Gudoomiye ku xigeenkii
Komishanka maamulka la magac baxay Somaliland iyo xubno kale
oo ku dhaawacmay Shil Baabuur habeenimadii Xalayto
(Burco 13, 2010 Ceegaag Online)
Gudoomiye ku xigeenkii Komishanka
Cali khadar Xasan Cusmaan
Waxaa Habeenimadii xalayto shil baabuur ku dhaawacmay
Gudoomiyey kuxigeenkii Komishanka doorashooyinka maamulka
lamagac baxay Somaliland Cali khadar Xasan Cusmaan iyo
masuuliyiin kale ayaa habeenimadii xalayto shil baabuur ku
dhaawacmay iyagoo ku sii jeeda magaalada Burco oo lagu waday
inay ka bilaabaan oloaha diiwaan galinta doorashooyinka
Somaliland oo lagu wado in bartamaha bishan laga bilaamo
guud ahaan Somaliland.
Dhamaan dadkii dhibku kasoo gaadhay shilkaa ayaa saaka lagu
daawaynayaa Isbataalka guud ee magaalada Burco, waxaana
saraakiisha caafimaadka Cusbataalka magaalada Burco Ceegaag
Online u sheegay in Gudoomiye kuxigeenka lagu wado Qaliin
isaga iyo masuuliyiinta kale waxana shilkani oo ahaa mid
siwayn looga naxay Guud ahaan Somaliland uu Yimid iyadoo
doorashooyinkii madaxtooyada Somaliland lagu waday in laga
bilaabo gobolada Maamulka Somaliland.
Dhinaca kale shilkani ayaa imaanaya iyadoo Maalintii
shalayto masuuliyiin sare oo katirasan Xisbiga Mucaaradka
UCID gaadhi kula Rogmaday duleedka magaalada Boorame xili ay
ku jireen oloaha doorashada xisbigaasi dhaawacna ka soo
gaadhay tiro kamid ah masuuliyiinta Xisbigaasi UCID.
Shilalkan ku dhacaya Masuuliyiinta sarsare ee Maamulka
Somaliland ayaa lagu xidhiidhinayaa wadooyinka Gobolada
waqooyi oo haystay deganaansho iyo xasilooni inaan la dayac
tirin oo ay haatan noqdeen Gogol Geeriyaad dadku ku la'anayo,
iyada oo aan badanaa saxaafada lagu sheesheegin dadka
rayidka ah ee iyagu ku baaba'aya maalin walba.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |