shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyihii Shirkada telesom buuhoodle oo Maanta iscasilay, xilkiina ku wareejiyey masuul cusub.

 (Buuhoodle,    Feb 24,  2010 Ceegaag Online)

Maxamed Deeq Xaaji Xasan Dhageyso

C/samad Cali Xasan Baashaar  Dhageyso

Faarax Sugaal Dhageyso

Gudoomiyihii shirkada isgaadhsiinta ee buuhoodle Maxamed Deeq Xaaji xasan ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu shaqii Gudoomiyeynimada shirkada telesom ee buuhoodle maanta iska Casilay kadib xaflad Balaadhan oo maanta lagu qabtay hoolka shirarka shirkada isgaadhsiinta ee telesom buuhoodle waxaana uu sheegay inuu xilkaasi maanta shirkada telesom ku wareejisay Caaqi C/samad cali Xasan baashaar oo kamid ah xubnaha golaha cuqaasha ee buuhoodle.

Gudoomiyaha maanta iscasilay ee shirkada telesom buuhoodle Maxamed deeq xaaji xasan ayaa sheegay inay tahay sababaha uu xilka uga tagay inuu shaqadaasi ka nasto oo mudo farabadan xilkaasi gudoomiyaha shirkada telesom ee buuhoodle Wakiil uga ahaa shirkada Guud ee telesom Hargaysa.

Dhinaca kale Waxaa Xafladaasi Maanta ka hadlay faarax sugaal oo ah masuul ka socday shirkada telesom hargaysa waxaana uu sheegay inay ka shirkad ahaan aad uga xumaadeen inuu Maxamed deeq xilkaasi isaga tago oo in badan maamulka guud ee shirkada telesom diidanaa inuu katago xilkaasi gudoomiyaha shirkada telesom ee buuhoodle balse xiliga maanta ah shirkada ogolaatay inuu xilkaasi katago.

Sidoo kale Waxaa halkaasi ka hadlay Caaqil C/samad cali xasan oo maanta loo magacaabay gudoomiyaha shirkada isgaadhsiinta buuhoodle waxaana uu sheegay inay xilka waxgaradka buuhoodle iyo maamulka shirkaduba ku khasbeen inuu xilkaasi Qabto ilaahayna ka baryayo inuu la garab galo.

Xafladaasi ayaa maanta ku soo dhamaantay jawi wanaagsan waxaa kaloo hadalo ka jeediyey maamulka gobolka cayn waxgaradka cuqaasha,ganacsata Qaybaheeda kala duwan iyo dadwaynaha caadiga ahba ee magaalada buuhoodle kunool.

Daawo Sawiradda

Cali Dhagjar

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com