shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waxgaradka culumada iyo Buuhoodle iyo hawdka oo dhamaantood gaadhay Heegale oo tacshiirad sababtay dhimasho iyo dhaawac ka dhacday labo maalin ka hor

(Heegaale ,  February  06,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa labadii maalmood ee ugu danbeeyey magaalada buuhoodle ka anba baxay dhamaan waxgaradka culumada iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada kunool buuhoodle iyo deeganka hawdka waxaana dhamaan Waxgaradkaasi iyo culumadu gaadheen tuulada heegaale oo 60KM gudaha ugu jirta itoobia magaaladaasi heegaale oo labo maalmood ka hor tacshiirad sababtay dhimashada hal ruuxi iyo dhaawac ay magaaladaasi ka dhacday.
 
Waxna tacshiiradaasi kadib magaalada buuhoodle iyo hawdkaba ka soo baxay waxgaradka oo iyagu dhamaantood maalintii labaad magaalada heegaale kusugan waxaana wadaan kulamo iyo wadahal ay ku xalinayaa dhacdadii sababtay dhimashada iyo dhaawaca waxaana waxgaradka buuhoodle iyo hawdkuba ku mashquul san yihiin sidii loo xalin lahaa dhibaatadaasi halkaasina lagu heshiin lahaa laba ardaa ee walaalaha ah.
 
Cuqaasha buuhoodle oo isugu jirta dhamaan ardaayada buuhoodle dega ayaana ku baxay heegaale iyo culumada buuhoodle oo Gaadiid farabadan heegaale ugu anba baxay magaaladaasi waxaana sida galabta ceegaag online ka heshay magaalada heegaale ay noogu soo waramayaan in xaalado degan tahay dhinacyadii tacshiiradu dhexmartayna lagu wado in Wadahal loo furo.
 
Waxaana sidoo kale heegaale yimid Boolis ka socda dawlada federalka itoobia iyo maamulka degmada danood waxaana ay heegaale u yimaadeen inay dhinacooda ka Qayb qataan xalinta dhibaatadaasi maadaama heegaale gudaha ugu jirto itoobia
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag online

Buuhoodle

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com