Waxgaradka degmaha Hurufadhi
oo ku guulaystay inay furaan wadada magaaladaasi dhexmarta
oo xidhnayd modo kadib khilaaf deegaankaasi ka jiray
(Hurufadhi,
February 10, 2010 Ceegaag Online)
Wararka Maanta naga soo
gaadhay degmada hurufadhi ayaa ku soo waramayan in
Waxgaradka culumada, dhamaan laamaha bulshada qaybaheeda
kala duwan uu ku guulaysteen inay furaan Qaarkamid ah
wadooyinka degmada Hurufadhi oo mudooyinkii ugu danbeeyey
xidhnaa kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay Qaarkamid ah
dadka deegaankaasi taasina sababtay in la jaro wada
bartamaheeda oo gabi ahaanba dadka shacabka ah Qaarkood ay
Xidhaan.
Waxaana Wadahadal dheer waan-waan socotay in mudo ah oo ay
wadaan waxgaradka degmadaasi lagu guulaytay maanta in dib
loo furo wadadaasi oo ahayd wada kaliya ee dhexmarta
bartamaha magaalada hurufadhi waxana dib gacan lixaad leh ka
qaaday dhamaan Qabaa'ilada kunool degmada Hurufadhi
ganacsatada iyo laamaha bulshada degmadaasi sidii wadaasi
loo furilahaa.
Wadaadsi ayaa intii ay Xidhnayd waxaa dhibaatooyin farabadan
kala kulmay gaadiidka u kala goosha magaalooyinka Ceegaag,
Laascaanood, Burco iyo Deegaanada kale waxaana iminka Caadi
ku soo laabtay shaqaynta wadadaasi oo xidhnayd mudo.
Cali dhagjar
Ceegaag online
Buuhoodle
Email
calidhagjar@hotmail.com.
webmaster@ceegaag.com |