Kulan dhexe
maray maamulka gobolka Cayn iyo saraakiisha caafimaadka
Buuhoodle oo looga hadlayey Qaabka loo dayac tirayo
Isbitaalka Buuhoodle
(Buuhoodle,
Feb 27, 2010 Ceegaag Online)
Waxaa Maanta Xaruntii Isbitaalka dhexe ee magaalada
Buuhoodle kulan dheer ku yeeshay Maamulka gobolka Cayn, kan
degmada Buuhoodle iyo masuuliyiinta caafimaadka Buuhooodle.
Waxna maanta kulan kaasi looga hadlaya qaabka loo dayac
tirayo Isbitaalka magaalada Buuhoodle, oo dawladii
Soomaaliya ay dhistay oo haatan gabi ahaanba meesha ka baxay.
Kadib markii dhismihii Isbitaalkaasi uu Waynaaday, ama bur
bur ku yimid dhismaha isbitaalka Buuhoodle.
Gudoomiyaha gobolka Cayn Xariir Maxamuud Axmed iyo
agaasimaha Isbitaalka dhexe ee Buuhoodle DR Cali xukun ayaa
ka wada hadalay Qaabka loo dayac tirayo dhismaha Isbitaalka
dhexe ee Buuhoodle oo Maamulka Caafimaadka Buuhoodle soo
jeediyey in gabi ahaantisa lagu sameeyo dib u dhis loona
dhexe maro ganacsatada deegaanka Buuhoodle, si ay dhinacooda
kaalmo uga gaysan lahaayeen arimahaasi dib u dhiska
isbitaalka.
Kulankaasin kadib ayaa shabakada wararka Ceegaag
online ayaa waraysi khaas ah la yeelatay agaasimaha
Isbitaalka dhexe ee buuhoodle DR Cali Xukun waxna ceegaag
online waydiisay inuu faah faahin naga siiyo kulankaasi
waxyaabaha looga hadlaya iyo Qaabka dayac tirka loogu
samaynayo Isbitaalka.
Dhagayso
Dhinaca kale Duqa magaalada Buuhoodle Xuseen Dacwi Ducaale
ayaa isaguna ka hadlay kulankaasi maanta waxaana Ceegaag
online dhinaciisa uga Warbixiyey kulankaasi maanta ay
masuuliyiinta caafimaadka Buuhoodle la Qaateen waxuuna yidhi
Dhagayso
Daawo Sawirada Kulanka
Cali Dhegjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |