shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Khilaafkii golaha guurtida maamulka Somaliland oo aan wali xal loo helin iyo gudi arintaasi loo saaray

  (Hargaysa  Feb 14,  2010 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Hargaysa ayaa saaka ku soo waramaya in Wali khilaafkii golaha Guuritda maamulka Somaliland uu hada gaadhay meeshii ugu saraysay khifaalkaasi Madaxda golaha guuritada Somaliland ku guuldaraysteen inay xaliyaan keenayna in Gudoomiyey kuxigeenka golaha guurida maamulka Somaliland uu is casilyo balse mudanayaasha golaha guurida dib u soo celiyeen.
 
Shabakada wararka Ceegaag online oo saaka taleefoonka magaalada Hargaysa kula xidhiidhay xildhbaan katirasan golaha guuritida maamulka Somaliliand ayaa Ceegaag Online u sheegay in gudoomiyaha golaha guuritida Somaliland iyo madaxda kuxigaaba ay ku guuldaraysteen inay xaliyaan khilaafkaasi golaha guurtida maamulka Somaliland waxna uuna intaasi raaciyey inay loo saaray gudi ka kooban xubaha aqalka wakiilada oo khilaafkaasi soo dhameeyaan kasoo hada gaadhay meeshii ugu saraysay laga war sugayo gudigaasi go'aanka ay gaadhaan.
 
 
Khilaafkani ayaa yimid dhamaadkii sanadkii hore kadib markii is bedel lagu sameeyey qaarkamid ah gudiga hoosaadka golaha guurtida Somaliland oo qaarkamid lagu sameeyey isku shaandhay taasina ay keentay in khilaaf soo kala dhex galo golaha guuritida oo sababay in fadhiyada golaha guurtidu xidhnaado madaxda qaarkamid ah soo gudbiyaan inay shaqadii isaga tagayaa
 
Cali dhagjar
Ceegaag online
Buuhoodle

www.ceegaag.com
 

webmaster@ceegaag.com