Lacagaha Budhcadbadeeda
Soomaalidu waxa uu sare u qaaday qiimaha dhulka ee magaalada
Nayroobi
(Washington ,
February 05, 2010 Ceegaag Online)
Madaxweyne ku xigeenka wadanka Kenya Kalonzo
Musyoka oo booqasho ku maraya wadankan maraykanka ayaa ka
hadlayay dhibaatada ay mashaakilka Soomaaliya ku hayso
wadanka Kenya waxaa hadaladiisii ka mid ahaa.
Lacagaha Budhcadbadeeda Soomaalidu waxa
uu sare u qaaday qiimaha dhulka ee magaalada Nayroobi taas
oo macneheedu yahay lacagaha ay Soomaalidu kudhisanaso waa
xaaraan markii la doonana waa laga dhici karaa sida ay
iyaguba u dheceen. Daawo daqiiqada 14:30 ee cajalada.
Ilaahay waa jecel yahay Kenya marka ay
dhibaato ku timaadaba way u midoobaan balse midnimadaa dadka
ayay ka timaadaa. 16:40 daqiiqo.
Sidoo kale waxa uu yidhi dhibaatada ay
Soomaaliya kasoo socataa waa mid ku wajahan dunida siiba
wadamada qarbiga. Daawo daqiiqada 20:10 ee cajalada.