MAALINTA DAREENKA DAHSOON (JACAYL)
14/FEBRUARY.
(Roma,
February 12,
2010 Ceegaag Online)
Valentine's day maalinta
dareenka dahsoon (jacaylka) waa maalin in badan oo dunida ka
mid ah si milgo iyo maamuus badani ku dheehan yahay looga
weyneeyo loogana dabaaldego, damaashaadka iyo dareenka
farxada huwani waa maalin ay si weyn dunida uga dhexmuuqdaan,
waa maalin dad badan oo waayuhu kala qariyeen is tebaan,
lamaanayaal tiro beel ahina kalsooni yo kalgacal hagar
la'aan ah is weydaarsadaan, iyagoo qiyaasaya ballaca iyo
jooga jacaylkoodu intuu leeg yahay iyo siduu midba midka
kale ugu laab-xaadhan yahay uguna uur-sanyahay, iyagoo
xasuustooda kasoo dheeganaya waayo waxay soo mareen iyo
waagii ay nolosha bilaabayeen qaabkay u wadaageen
dareenkooda dahsoon.
14/february waa maalin
qiimo iyo qadarin baaxad weyn ugu fadhida dadka uu la dersey
dareenkaasi maalmuhu iskuma jiraan maalintaas waxaa aad
caalamka u maansheeya ugana dhexmuuqda midab ka mid ah 7da
midab ee dunida ka jira waa midabka guduudka(casaanka)qofka
isagu raba inuu wax ka wadaago dareenka diiran ee
maalintaasi xambaarsantahay midabakaas si gaar ah ayuu u
jantaa, waxaaba suurta gal ah inuu dharkiisa, ubaxa uu
hadiyada ka dhigayo, iyo shukulaatada dadku maalintaas is
dhaafsadaan
(shukulaatada
saxibtinimada)
intuba ay guduud
noqdaan.
Sidee bayse maanka iyo maskaxda u geli kartaa xidhiidhka
midabkaas iyo maalintaas amaba jacaylka iyo midabka
guuduudan maxaa isku jaalka ka dhigay!! jawaabtu hoos bay ku
qorantahaye haw daymo la,aan.!!.
Marka hore aynu milicsi taariikheed ku samayno maalintaas
iyo mudnaanteeda meesha laga soo dheegtay 14/feb, si aynu
dhammaanteen isula jaanqaadno una sii jibaaxno sooyaalka ay
leedahay.
Horta magaca
(VALENTINE)
waa magac baaderi
qaabkii magaca wadadkas iyo munaasabadaas laysugu
lamaaniyeyna way inoo soo socotaa, maalintan valentine's day
waxay ka mid ahayd ciidihi ay samayn jireen roomaaniyiintii
baaniyaalka ahaa (pagan romans) waxaa la ogyahay in roman's
ku muddo 17qarni ka badan ka qaawanaayeen dhammaan diimaha
samaawiga ah, ahaayeena dad waxay maankooda ka helaan isku
maamula, caqligaas garashada diimeed ka madhani wuxu u
garawsanaa maalintani inay tahay (jacaylka rabbi).
Waxaa la weriyaa saddex sheeko oo dhammaantood lagu macneeyo
maalintan iyo qaabkay baalasha taariikhda ku gashay iyo
halkay ku biya shubato, waa kuwan.
1. Waxay rumays naayeen
romansku in ninkii la odhan jiray
(ROMULUS)*aasaasihii
magaalada
(ROMA),
inay maalin maalmaha
ka mid ah ay nuujisay yey-dhadig ka dibna caanihii yeyda uu
ka dhaxlay garasho xeel dheer iy awood miiggan! dhacdadaas
dhalanteedka ah ayey sanad walba bisha february dhexdeeda u
durbaan tuman jireen dabaal deg agaasimana astaysiin jireen,
maalintaas waxa ugu weyn ay samayn jireen waxay ahayd *waxay
gawrici jireen ri iyo ey dhiigooda ayaa waxa la marin jiray
laba wiil oo aad u bilicsan, ka dibna waxaa lagaga dhiqi
jiray caano, markaas ka dib waxaa la agaasimi jiray
raabayaal dad ah kuwaasoo wadooyinka magaalada gaaf meeri
jiray labadii wiilna hor ka cayaan, labadaas wiil waxaa loo
dhiibi jiray laba jaamood oo hargihii eyga iyo rida ah
qofkastoo ka horyimaadana hargahaas ayaa lala dhici jiray
iyadoo la barakaysanayo, gaar ahaan gabdhaha ayaa aad u
beegsan jiray in haragaasi haleelo iyagoo garwaaqsanaa in ma
dhalaysnimada iyo caruur la'aantu meesha ka baxayaan hadii
haragaasi taabto!!!!.
Xidhiidhka maalintaas la maamuuso iyo baaderigii valentine
waxa lagu macneeyey * baaderigan valentine waxaa silic
dilyeeyay boqorkii meesha ka ariminayey
(CLAUDIUS
11)
abaaraha 296M, goobtii baaderigaasi ku qudhbaxay waxaa laga
taagey kaniisada weyn (ROMAN
CATHOLIC CHURCH)
350M, si maanka iyo
maskaxda dadweynaha loogukaydiyo kaalintii baaderi valentine
ka qaatay halganka naf hurida diinta.
Ka dib markii roomaniyiintu
cawaanimadii ka baxeen kiristaanimadana u xuub siibteen(christianity)
ayey maalintii baaderi valentine la dilay u aqoonsadeen
maalinta jacaylka iyagoo ka minguuriyey aragtidii ahayd
jacaylka rabbi una raray maalinta jacaylka, waxay ka dhigeen
baaderi valentine nin is jacaylka iyo nabada astaan lagu soo
hirto u ahaa, waxay u aqoonsanaayeen nin dadka is jecel
daryeela danahoodana difaaca.!!!.
2. Roman's
ku waxay u dabaal degi jireen waagii ay baaniyaalnimada ku
jireen ciidda loo yaqaan (
LUPERCALIA)
waxay ciidaas darbi jireen qurbaan iyo hadiyado ay
ilaahyadooda ugu dhowaan jireen iyagoo rumaysan inay xumaan
oo dhan ka xijaabayso, xoolohoodana habar dugaag ka hor is
taagi doonto!! ka dib markay diinta masiixiga qaateen waa
qarnigii sadexaad nebi ciise (CS) ka dib, boqor claudius
wuxu soo rogey xeer uu askartiisa guurka kaga xakamaynayo,
waa cuna qabatayn dhanka guurka ah, wuxuna ku sababeeyey
arintaas boqorku dagaalo badan ayuu geli jiray wuxu
rumaysnaa askari xaas lihi inaanu si hufan u dagaal geli
karin, gol daloolo badanina ay iman karto hadiiba askarigu
naag iyo ciyaal leeyahay, arintaas waxaa ku gacan saydhay
baaderi valentine oo waagaas noolaa wuxu bilaabay inuu
lamaanayaasha doonaya inay nolosha wadaagaan si hoose isugu
meheriyo askarta dhexdeeda. isagoo aan dheg jalaq u siin
dhawaaqii boqor claudius, boqorkii arintii buu ogaaday
mr.valentine xabsiga ayaa loo taxaabay dhegtaana dhiiga loo
daray
14/feb/270 M
oo noqotay
maalin jacaylka jaal la ah. ( waxaa la sheegaa aragtidani
inay tahay tan ugu dhow xaqiiqda uguna maan galsan marka la
rog rogo.)
3.
aragtidan ugu danbaysa waxay leedahay boqorkii aynu kasoo
sheekaynay wuxu ahaa nin diin laawe ah (pagan) valentine na
wuxu ahaa wadaad masiixiyada dadka ugu yeedha boqorkii wuxu
go,aansaday inuu wadaadkaas diintiisa weydaariyo una raro
dhanka diin la,aanta iyo baaniyaalnimada, valentine baase
diiday aragtidaas gurracan ka dib 14/feb ayaa dil lagu
xukumay lana ruux togey, markii boqor claudius diinta
qaatayna wuxu ku aaddiyey ciidii maalintii valentine la
dilay si logu xasuusto wadaadkaas diinta u dhintay.
ASTAAMAHA MAALINTA
VALINTENS DAY.
Valentines day waxay leedahay astaamo iyo arimo qofka u
dabaal degayaa ku sifoobo dadka kalena kaga soocmo, sumadaha
maalintaas waxaa ka mid ah.
A. Farxad
iy rayrayn heerkeedu sareeyo oo qofka foolkiisa ka muuqata
iyo dareenka debecsan ee qaliba oo wejigiisa laga akhrisan
karo.
B. Is
dhaafsi ubaxyo midabkodu guduud yahay labada qof ee is
jecelna is gudoon siiyaan.
C. Waxaa
lays weydaarsadaa warqado hambalyo iyo bogaadin xambaarsan
ayna dusha kaga xardhan tahay kelmeda valentines day iyo
sawirka wadnaha oo si qurux badan loogu fara yaraystay
lagana yaabo inay dareenka dad badan soo jiidato.
D. Waxay is
dhaafsadaan kelmedo debecsan iyo weedho ka turjumaya
dareenka qofka dhahaya ahna dhanbaal qalbiga laga soo
dheehday sida . *happy valentines day* *happy day* *love and
life* *dear love* * i love you * iyo qaarkale, mararka qaar
waxaa dhacda in dareenka lagu wadaago hadalo tix iyo tiraab
isugu jira, ruux walibana ku hadaaqo meerisyo gabayo iyo
geeraaro ah oo dareen taabad leh lagana dhaxlay dadkii
warmaha jacaylku tumaatiyeen sida cilmi bodhari iyo hodon,
qays ibnu muluux iyo leyla*.
E. Waxaa la
agaasimaa kulano maalmeed iyo cawaysyo habeenkii ah oo
qofwaliba kusoo bandhigo farxadiisa iyo dareenkiisa diiran,
waxaa laysku dhaafsadaa hadiyado iyo sanduuqyo shukulaato ah
oo say iyo saxiba si siman laysu gaadhsiiyo.
Waxaa jira
maalmo kale oo u qaab iyo qorsheba dhaw maalintaas
valentines day, oo caalamka meelo badan oo ka mid ah laga
sameeyo, tusale ahaan. SWEDEN * all hearts day* baa ka jirta
FINLAND * friends day* TURKEY * sweat hearts day* MEXICO,
GUATAMALA, ELSELVADOR * day of love and friendship*
kuuriyooyinka waxa ka jira maalmo fara badan oo aad mooddo
in laga soo dhirin dhiriyey maalintan valentineka waxaa ka
mid ah *candle day* maalinta shumaca * white day* maalinta
cad * black day* maalinta madow * rose day* maalinta ubaxa *
kiss day* maalinta dhunkashada * silverday* maalinta fidada
* movie day* maalinta shaleemada * green day* maalinta
cagaaran * music day* maalinta muusikada * wine day*
maalinta khamrada * hug day* maalinta xabadka laysa saaro.
UBAXA
GUDUUDAN, ASTAANTA WADNAHA IYO JACAYLKA MAXAA ISKU SIDKAY.
Waxaynu idil
ahaanteen ba ka wada dheregsanahay sida midabka guduudani
midabada kale uga dheereeyey marka la joogo fagaaraha
jacaylka iyo goobaha dareenka dahsoon lagu wadaago, qofkii
wax jeclaa ubaxas cas buu sidaa kii la jeclaana ubaxas ayuu
sugayaa, hadaba maxay tahay sababtu, ubaxan guduudanow xagee
gunta ku haysaa, qisadan hoos ku qoran markaad akhrido ayaad
jawaabta heli doontaa.
Waxay weriyeen * wiil
dhalinyaro ah oo ku abtirsada qoys danyar ah, tabartooda
dhaqaalena hoosayso ayaa ka qayb galay bandhig qolo tanaaday
hantina is taawisay dhiganayso laguna qabanayo gole aad u
qurux badan, wiilkii markuu goobtii gaadhey ba wuxu indhaha
ku dhuftay gashaanti bilicsan, ilaahayna dheg iyo dhaban ugu
deeqay, quruxna rabbi weel u buuxshey, way beer qaaday,
qalbigiisii ayey ruxday, si dareen taabad lehna wuu u eegay
inantii, waxay dani dhaafin wayday inuu u tago una bandhigo
dareenkiisa, wuxu doonay inay gaada ka cayaar la samayso
nasiib wanaag way ka yeeshay shardi bayse ku xidhay, waxay
tidhi * waan kula cayaarayaa lakin waxaad ii keentaa ubax
guduudan wuxu yidhi *qofyahay xilligaan ku jirnaa waa
jiilaal ubax iska dhaafe dhirtu xataa caleen qoyan ma leh
say tidhi "ilaa aad shardigaas buuxisid inta cirku kuu jiro
ayaan kuu jiraa, wiilkii meeshii ayuu kabihiisa ka illaday,
goobtiina wuu ka jaqaafiyey, wuxu bilaabay baadi doonka
ubaxii guduudnaa xaguuse ka heli!! isagoo meel beer ah
wareega cadaysanaya welwelka iyo warba-haarkuna wehelkiisa
kowaad yihiin ayaa waxaa arkay shimbir yar, su'aal ayuu
waydiiyey wiilkii oo yidhi * maxaad raadinaysaa oo kaa lumay?
wiilkii wuxu yidhi *ubax guduudan ayaan raadinayaa!!
shimbirkii baa yaabay oo yidhi * wakhtiga lagu jiro miyaadan
ogayn xagee ka helaysaa ubaxaas guduudan !!!? wiilkii wuxu
ku jawaabay * waan ogahay lakin inaan raadiyo waan ku
qasbanahay maxaa yeelay gabadh aan aad u jeclahay la'aantiis
ma hanan karo !!.
shimbirkii wuxu yidhi is
deji waxaan isku deyeyaa inaan kusoo helo ubaxaas lagugu
xujeeyey, shimbirkii yaraa balaasha ayuu kala bixiyey wuuna
duulay, wuxu caga dhigtay meel beer ah, bidix iyo midig
ayuuna daymooday nasiib darrose waxba ma helin, markaas ka
dib ayuu oohin la fadhiistay, isagoo ooyaya ayaa waxaa arkay
geed dhirtii ka mid ah wuxuuna waydiiyey su.aashan "shimbiryohow
yari maxaa kaa oohiyey", sheekadii ayuu ku jalbeebiyey isaga
iyo wiilka dhexmartay !!.
geedkii wuxu yidhi * anagu
haddaan dhirtii nahay xilli jiilaal ah baan ku jirnaa
ubaxaasna lama heli karo hadda!!, shimbirkii baa yidhi waan
ogahay lakin wiilka ayaan aad ula jeclahay inuu gabadha
gacanta ku dhigo!!. geedkii baa yidhi ubaxaas inaad hesho
wax kasta maw huri kartaa? suu yidhi aad oo weyn !!! geedkii
wuxu yidhi * laan qalalan geedkaas kasoo jar, wadnahaagana
dhaawac gaadhsii si dhiig uga soo daato, laantana u caseeyo
shimbirkii wuxu yidhi hawraarsan iyo guddoon!!!!!!!!!.
shimbirkii yaraa mindi ayuu
wadnaha iskaga dhuftay dhiigii qubanayeyna laantii ayuu hoos
dhigay markay guduudatayna wuxu ula duulay dhankii wiilka
isagoo laftiisu dhaawicii wadnihiisa gaadhey la ildaran,
wiilkii buu u gacan geliyey, nasiib darro wiilkii ma
xusuusan inuu u mahad celiyo shimbirkii yaraaye intaasoo
saymood u maray garabna ku siiyey inuu gaadho yoolkiisa!!!.
gabadhii ayuu u geeyey
ubaxii, waxayse tidhi "aad baan uga xumahay intaad maqnayd
waxaan helay wiil adiga kaa maal iyo muuqaal ba fiican" !!!
adigana hada boos kuuma hayo sxb!!!.
wiilkii wuu iska baxay isagoo cadho iyo ciil la cidi jiidaya
ubaxiina carrada kaga dhacay !!! kasii darane shimbirkii
wuxu u geeryooday nabarkii wadnihiisa gaadhey !! maalintaas
laga bilaabo sawirka wadnaha iyo ubaxa guduudani waxay
ahaayeen astaan u taagan dareenka dahsoon (jacaylka). ubaxa
guduudani waa ubaxii wiilka lagu xujeeyey, wadnuhuna waa
wadnihii shimbirka ee hanashada ubaxaas birta loogu
halaakeeyey!! wax badan ayaad arkaysay ama maqlaysay wadne
iyo ubax guduudane maanta ujeedada ay salka ku hayaan waad
haysaa baan filayaa.
FIIRO
GAAR AH.
Waxaan uga gol lahaa diyaarinta maqaalkan in dadku fahmo,
valentines day waxay tahay ! iyo meeshay ku aroorto in la
ogaado, igamana ahayn buun buunin iyo muujinta meekhaankeeda
inaan bulshada tuso, sababtoo ah sidaan sheegnay valentine
wuxu ahaa baaderi, marka sheekadaba waxaa dhex taal u ah,
baaderi, kaniisad, boqor diin laawe ah, waxaana hubaa inaad
ila garowsan tahay inaan qof muslim ah boos uga banaanayn
dabaal degeeda iyo damaashaad keeda! haddaan garashadu
dhinayn.
(
wixii aragti ah ee ka gedisan saan sheegay iigu soo hagaaji
emailkan, aragtidaadu waa ii muhiim akhriste aad baan usoo
dhowaynayaa fekerkaaga maaxdiisa..)
W/Q. Aadan Cige Cali .
EMAIL.
softhair05@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |