Mashaqadii ka dhacday Heegaale oo
lagu guulaysay (Wareysi Cheif Caaqil C/raxmaan Axmed olol)
(Heegaale,
Feb 22, 2010 Ceegaag Online)
Cheif Caaqil C/raxmaan Axmed Olol
Dhageyso
Isimada
Cuqaasha,culumada diinta iyo dhamaan waxgaradka gobolka cayn
iyo deegaanka hawdka ayaa ku guulaystay Xalinta mashaqo ka
dhacday magaalada heegaale bilowgii bartamaha bishan kadib
markii tacshiirad ka dhacday magaalada heegaale hal ruuxi ku
dhintay mid kalena ku dhaawacmay oo dhexmartay labo beeleed
oo walaalo ah oo wada dega deegaankaasi Heegaale.
Waxaana
markii mashaqadaasi magaaladaasi heegaale ka dhacday
magaalada buuhoodle ka anba baxay dhamaan Cuqaasha, culumada
iyo dhalinyada deegaanada buuhoodle iyo hawdkaba waxaana
sidoo kale magaalada heegaale gaadhay Ciidamo ka socda
dawlada itoobia iyo maamulka degmada danood oo kaalin lixaad
leh ka Qaaday dejinta Xiisadaasi sabatay dhimashada iyo
dhaawac.
Hadaba
Xiisadaasi sababtay dhimashada iyo dhaawac ayaa maalintii
shalayto si rasmi ah loo soo afjaray waxaana heshiis
arintaasi ku saaban oo ka dhacay magaalada Qaloocan
lagu heshiiyey inay labadii Beelood ee walaalaha ah ay kala
Qaataan duunyo lagu balamay in lagu Bixiyo Bil waxana kaloo
halkaasi lagu kala Qaaday samirsiin iyo duugtii ninka
dhintay oo halkaasi lagu bixiyey sida Ceegaag Online u
sheegay Cheif Caaqil C/raxmaan Axmed Xaaji diiriye (C/raxmaan
axmed olole) oo kamid ahaa gudigii arintaasi loo Xilsaaray
oo maanta waraysi khaas ah Siinayey shabakada Ceegaag
online.
Cali
Dhagjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |