shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyey Kuxigeenka gobolka Sool ahna siihaya Xilka Gudoomiyenimo magaalada Laascaanood Maxamed Cabdi Dhible oo Waraysi dhinacyo badan taabanaya aanu ka yeelanay arimaha cakiran ee Magaalada Laascoonood   Dhagayso

(Laascaanood,  February  08,  2010 Ceegaag Online)

Gudoomiyey Kuxigeenka gobolka Sool ahna siihaya Xilka Gudoomiyaha magaalada Laascaanood oo Waraysi khaas ah siinayey shabakada wararka Ceegaag Online ayaa maanta shaaca ka Qaaday in dhamaan dadkii ku Xidhnaa xabsiga degmada Caynaba maanta la siidaayey kadib markii maamulka gobolku amar ku bixiyey in la soodaayey Laascaanoodna dadkaasi oo isugu jira Caruur Haween, dhalinyaro la soo gaadhsiiyey maanta.
 
Gudoomiyey kuxigeenka gobolka Sool Maxamed Cabdi Dhimle ayaa waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya kaga hadlay xaalada gobolka Sool oo mudooyinkii ugu danbeeyey ku soo badanayeey Qaraxyo dilalqorshaysan, amaandaro waxaana gudoomiyey ku xigeenka gobolka sool uu sheegay inay dhamaan Cidii ka danbaysay Qaraxyadii laascaanood gacanta lagu hayo Maxkamadna la horkeenayo waxaana uu sheegay inay wadaan Qorshe amaanka magaalada laascaanood lagu sugayo.
 
 
 
Waraysiga Gudoomiyey kuxigeenka oo ah Waraysi dheer oo aad kaga boganayso xaalada magaalada Laascaanood  amaankeeda iyo Su'aalo farabadan oo Laascaanood ku saabsan oo Ceegaag Online waydiisay gudoomiyey kuxigeenka ka dhagayso Ceegaag online
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag online
Buuhoodle
Email calidhagjar@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com