shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxkamada Magaalada Barbara oo Xukuntay 11 Kamid ah buradbadeed soomaali ah oo Xeebaha maamulka somaliland ka Qawlaysanayey.

  (Berbera  Feb 15,  2010 Ceegaag Online)

Maxkamad ku taala magaalada Berbera ee maamulka Somaliland ayaa 11 burcad badeed Soomaali ah oo maxkamadaasi la hor keenay ku xukuntay in ka badan 15 sano oo xarig ah,iyadoona sida uu garsoorka Maxkamada u sheegay wakaalada wararka ee AFP ay heleen dhamaan cadaymihii dambiyadii Burcad badeednimo ee lagu soo oogay kooxdaasi.

Xeer ilaalinta Maxkamada Berbera  ayaa sheegay in ay ka heleen ciidamada bada NATO ee ku sugan xeebaha ku hareeraysan Somalia cadaymo muujinaya Burcad badeedaas oo afduubyo iyo falal weeraro Burcad badeednimo isku dayay in ay geystaan,iyagoona sida ay xeer ilaalintu sheegtay ay hayaan hub NATO kusoo wareejisay oo lagu qubtay Burcad badeeda.

Burcad badeeda 11 ayaa qaarkood waxaa ay yihiin kuwo ay ciidamada NATO horay uqabteen iyaga oo isku dayaya falal Burcad badeednimo,iyadoona sida uu garsoorka Maxkamada Osman Ibrahim Dahir  uu khadka taleefonka wakaalada wararka AFP u sheegay ay 11 Burcda badeeda midkiiba ku xukumeen 15 sano oo xarig ah.

11 Burcad badeeda ah ee ay Maxkamada Berbera xukuntay ayaa sida la sheegay ahaa Burcad badeed December-tii aynu soo dhaafnay si khalad ah u weeraray Markab dagaal oo ay NATO leedahay,iyaga oo ku khalday Maraakiibta ganacsiga ee ay had iyo jeer weeraraan,waxaana ciidamadii Markabka dagaal ee ay weerareen ay sii daayeen kadib saacado ah hayeen,waxaana isla xiligii ay Burcad badeedaasi NATO sii daysay qabtay ciidamada ilaalada xeebaha Somali land oo sheegay in ay kazoo qabteen xeebaha waqooyiga Somali land ee ay Djibouti deriska kala yihiin.

Burcad badeeda qaarkood waa ay diideen falalkii lagu xukumay,iyadoona ugu dambayn markii ay Maxkamadu cadaymo fara badan heshay ay ku xukuntay 15 sano oo xariga ah midkiiba,waxaana xukunka kadib loo dhaadhiciyay xabisga sida uu AFP isagunu u sheegay sarkaal ka tirsan laanta Amaanka Somali land Jamal Abdi Kariin.

Ma ahan markii ugu horaysay oo Burcad badeed gudaha Somalia lagu xukumo,iyadoona dhowr jeer oo hore sidan oo kale ay Maxkamada magaalada boosaaso ay xabsiyo kala duwan ku xukuntay kadib markii ay ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Somalia ay laamaha amaanka Puntland kusoo wareejiyeen

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com