Roobabkii gu’ga oo xalay ka curtay
deegaano ka mid Gobolka Cayn.
(Buuhoodle,
Feb 28, 2010 Ceegaag Online)
Habeenimadii
xalayto waxa deegaano kamid ah Gobolka Cayn ka curtay
raxmaadkii gu,ga waxaana deegaanada roobabkaasi heleen xalay
kamid ahaa magaalooyinka Xamar laguxidh, goob iyo horufadhi
waxaaana roobabkani ahaayeen kuwa dadka iyo duunyaduba ku
farxeen oo xalay maansheeyey deegaanadaasi inkastoo degmada
hurufadhi roobabku aad ugu yaraan.
Shabakada
Wararka Ceegaag Online ayaa saaka taleefoonka kula
xidhiidhay magaalooyinka roobabkani heleen waxaana dadka
deegaanku u sheegeen in raxmaadkaasi ilaahay xalay ugu
deeqay aad ugu faraxsan yihiin ilaahayna uga mahad
celinayaan. guud ahaanba Curashada raxmaadka gu,ga ayaa laga
dareemayaa magaalooyinka SSC Waxaana guud ahaan cusub cirka
iyadoo ay dulsaarantahay daruuro waa wayn oo la filan karo
in roobab kale ka curtaan deegaanada SSC.
Sidoo
kale
magaalooyinka burco iyo shiikh ayaa laga soo sheegayaa
Raxmaadkii gu,ga waxaana Curashada raxmaadka siwayn ugu
farxay dhamaan shacabka ku dhaqan magaalooyinkaas oo xiliga
deegaao badan ka jiraan abaar iyo biyo la,aan baahsan oo
saamayn ku yeelatay noloshada xoolaha iyo dadkaba waxaana
gabi ahaanba dhamaaday xoolo farabadan oo abaarta u dhintay.
Cali Dhegjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |