Roobabkii guga oo Deegaano
kamid ah Waqooyiga Soomaaliya maansheeyey labadii habeen ee
aynu soo dhaafnay
(Hargaysa 13, 2010 Ceegaag Online)
Iyadoo Guud ahaanba gobolada dalka Soomaaliya ay haatan
kataagan tahay abaar iyo biyo la'aan daran ayaa dhinaca kale
waxaa xiligan oo lagu jiro bartamihii bilooyinkii ugu
danbeeyey ee Jiilaalka roobabkii gu'ga laga soo sheegayaa
deegaano kamid ah gobolada Waqooyi Galbeed, Awdal iyo
Waqooyiga Togdheer oo Raxmaadkii Gu'gu siwanaagsan u
maansheeyey xiligan,
Roobabkani oo ahaa kuwa awood badan dadka iyo duunyaduba ku
farxeen ayaa dadwaynaha ku nool goboladaasi siwayn ugu
farxeen ilaahayna uga mahad celiyeen raxmaadkani uu siiyey
xiligan oo ay ku jiraan jiilaal dabo dheeraaday hadaba dadku
sugan deegaanadan oo ceegaag online ka xaqiijisay da'ida
roobabkan ayaa u xaqiijiyay iyada oo codadkooda laga
dareemayay farxad.
Dhinaca kale Guud ahaaba waxaa Labadii todobaad ee ina soo
dhaafay is bedelay Cimilada waxna la dareemayaa Kulayl
farabadan iyo Cirka oo daruuro waa wayn xabaarsan yihiin
iyadoo laga filan karo xaga eebe raxmaadkii guga oo ka
curtaya deegaanada SSC oo Xiligan abaarta iyo biyo la'aantu
gaadhay halkii ugu saraysay abid mana jiraan wax ha'yado
samafal ah oo yimid gobolada SSC oo haatan abaari kataagan
tahay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |