Shiekh C/raxman abyad oo
jeelka sirdoonka Denmaark dulmi ugu jira Maalintii Labaad
(Denmark,
Feb 21, 2010 Ceegaag Online)
Sheekh C/Raxmaan Abyad oo ka
mid ah Culimada Soomaaliyeed ee sida aadka ah looga yaqaan
dalka Denmark iyo guud ahaan dalalka Yurub, kuna dhaqan
dalka Denmark gaar ahaan Magaaladda Kobanheegan.
Sheekhna ka ah Markazka Attawxiid ee Magaalada kobenheegan
ayaa ku jira Maalintii Labaad si dulmiya Gacanta sirdoonka
Dalkaas isagoo sababta loo xiray aan waxba looga sheegin
iyo weliba danbiga uuu galay toona loona marin Qabashadiisa
sifo sharciya ayaa Maalintii Labaad lagu hayaa Xabsi kuyaala
Wadankaas Denmark oo ay leeyihiin ciidamada sirdoonka ee
isla dalkaas.
hadaba waa Maxay Sababta Shiekh C/raxmaan Abyad loogu
Taxaabay Jeelka? su,aasha oo Gaabani waxaa weeye waa
Danbiile oo denbiga uu galayna waxaa weeye wuxuu Bulshadda
Soomaaliyeed ee kudhaqan wadaankaas u ilaaliyaa waxa ugu
Muhiimsa ee ka qaalisan Nafta Baniaadamka oo ah Diinta
islaamka.
sidaa darteed qofkastoo diintiisa ilaashadda umadiisana
Diinta u ilaasha ayaa waxaa dalalka Reergalbeedka kanoqday
Denbi jariimo ah, waayo waxaa dhamaaday Beentii ay sheegi
jireen ee ahayd Xuquuqulinsaanka iyo xoriyatulqowlka ee ay
kusiri jireen Dunida inteeda kale.
taas waxaa kuu cadaynaya Dulmiga lagu hayo shucuubta
Muslimka ah ee wadamadooda kunool ee Mudada badan lagu hayay
dulmiga haddana lagu bilaabay inlaga ugaarsado Cullimadii
indhaha u ahayd ee ay ulanoqon jireen aduunkooda iyo
aakhiradooda.
Hadaba waxaa ubaahan inaan ogaanaa waxaa weeye dunidan
dusheeda aan kunoolahay in qofwaliba maryo imtixaan sida
Nebigeenu sheegay (SCW) oo kuyidhi XadiiTH waxaa ugu
imtixaan badan dadka waa Anbiyadda dabadeedna b waxaa ku
xigga Saalixiinta dabadeedna Kuwa kusii xigga kuwa kusii
xigga xagga Derajadda.
Sidaa darteed Manoqonayo shiekh C/raxmaan abyad kii ugu
horeeyay ee Dulmi lagu xidho mana Noqonayo kan ugu dameeya
ee xabsigan lageeyay ee waalooga horeeyay oo Cullumo
badan oo dunidda dusheeda Nuur iyo Culluum kabuuxisay ayaa
uga horeysay waana looga damayn doonaa intaan Qoraxdu
kasoo bixin galbeedka,sidaa darteed waxaan ilaahay uga
baryaynaa in Shiekh C/raxmaan uu kasii daayo gacanta
Cadawga diintiisa iyo sharafkiiisana uxifdiyo Ilaahayna
Miisankiisa Xasanaadka usaaro Xadgudubkaas lagula kacay.
Xigasho:
Boocame
webmaster@ceegaag.com |