shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudi Hoosaadka Baarlamaanka Somaliland oo Wasiirka xaanada xoolaha Somaliland maanta mar kale ku eedeeyey musuq maasuq

  (Hargaysa,  February  10,  2010 Ceegaag Online)

Gudi hoosaadka dhaqaalaha Baarlamaanka Somaliland ayaa maalintii labaad Wasiirka xanaanada Xoolaha Somaliland ku eedeeyey inuu horimaan waayey Baarlamaanka Somaliland oo dalbaday in su'aalo laga waydiiyo dhaqaalihii ka soo baxay dekada magaalada Barbara oo gudiga la socodka dhaqaalaha Baarlamaanku dalbay in wax laga waydiiyo wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland mudane Dr Idiris Ibraahin Cabdi.
 
Gudigani ayaa maalintii labaad fadhi ay saxaafada isagu yeedheen ku sheegay in wasiirka xaanada xoolaha somaliland uu lunsaday dhaqaalihii ka soo baxay dekada magaalada bar_bar waxaana gudigani sidoo kale wasiirka ku eedeeyeen inuu cabudhiyey ganacsatada somaliland ee xoolaha u dhoofin jirtay wadanka dibadiisa oo ganacsigii somaliland ee xoolo dhoofinta gacanta loo galiyey ganacsatadaha Reer sucuudiga ah Al-jaabiri oo isagu maxjar wayn ka samaysta dekada magaalada Barbara oo xoolaha inta badan ka yimaada dhamaan gobolada somalia isagu iibsada.
 
Gudigani baarlamaanka somaliland u Qaabilsan dhaqaalaha ayaa ugu baaqay maanta mar kale in Wasiirka xanaanada xoolaha somaliland Dr Idiris Ibraahin Cabdi inuu si deg deg ah ku Yimaado xarunta golaha wakiilada somaliland si wax looga waydiiyo dhaqaalihii ka soo baxay dekada magaalada bar_bara oo gudigani sheegeen in Qayb ahaan Wasiiku lunsdaya.
 
Dhinaca kale majiro jawaab ka soo baxday wasiirka xanaada somaliland  Dr Idiris Ibraahin Cabdi ee gudigani baarlamaanka ah eedani u soo jeediyeen waxana arintani imaanaysaa iaydoo mudooyinkii ugu danbeeyey khilaaf ka jiray dhinaca dhaqaalaha dekada bar_bara ah  masuuliyiinta magaaladaasi iyo mucaaradka somaliland oo sheegay in dhaqaalihii wadanka nin sucuudi ah Xukuumadu gacanta u galisay
 

webmaster@ceegaag.com