shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Tacshiirad sababtahay dhimasho iyo dhaawac oo tuulada heegaale ka dhacday.

(Heegaale ,  February  04,  2010 Ceegaag Online)

Wararka Caawa naga soo gaadhaya tuulada Heegaale oo dhinaca hawdka kaga beegan magaalada Buuhoodle gudahana ugu jirta  Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa caawa ku soo waramaya in galabta galinkii danbe tacshiiradi ay ka dhacday magaaladaasi waxaana tacshiiradaasi ku dhintay hal ruux mid kalena dhaawac ayaa ka soo gaadhay sida Ceegaag Online goor dhawayto warar madaxbaani u xaqiijiyeen.
 
Lama oga sababaha keenay tacshiiradani sababtay dhimashada iyo dhaawaca, waxaana adag in la helo warar rasmi ah, maadaama Tuulada Heegaale aysan lahayn isgaadhsiin iyadoo gudaha ugu jirta Ismaamulka Deegaanka Soomaalida Ethiopia.
 
Warkaasi oo faah faahsan kala soco Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com