shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad si weyn loosoo agaasimay oo lagu taageerayo go’aankii Isimada oo ay qabteen Ururka Dhalinyarada SSC ee Xagardheer Kenya.

  (Xagardheere,  February  11,  2010 Ceegaag Online)

Xaflad weyn oo lagu taageerayo  shirkii isimada ssc ugu soo gabagaboobay  holhol iyo buurowadal  8/2/2010    ayaa ka dhacday  xagardheer taasoo ay  soo abaabuleen ururka dhalinyarada D.Y.O.S  oo ay ka soo qaybgaleen  dhamaan  qaybaha kaladuwan ee bulshada ssc 

Ugu horayn ayaa waxaa    ayaadaha quraanka kariimka  ku bilaabay C/qani C/casiis X.cabdi { garaad},  waxaa isna wacdi iyo dardaaranka cabsida ALLE ka soo jeediyey   Maxamed Cali Cabdi {galay} oo ka hadlay  isku baraarujinata cabsida ALLE  mar hadii aynu  nahay  dad islaama ayna tahay inaan isxasuusino Cabsida ALLE markasta iyo meelkastaba.

intaa kadib ayaa waxaa makarifoonka lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha dhalinyarada D.Y.O.S  C/mahad iinshaad oo waxbadan ka hadlayey bararujinta  dhalinyarada  iyo isku duubnidooda inay tahay wax qaaliya ayna doonayaan inay dhamaan dhalinyarada la sheqeeyaan midnimada dhalinyarada ssc  meelkastay joogaan isuna taagaan difaaca iyo xoraynta deegaanadooda cadawgu haysto

waxaa isna lagu soo dhaweeyey  g/kuxigeenka  Axmed jamac xuseen oo soo bandhigay waxqabadkii ururka dhalinyarada ssc intii la doortay kadib waxyaabihii u qabsoomay iyo  hindisahooda  hada ay ku hawlan yihiin, intaa kadib ayaa waxaa isna lagu soo dhaweeyey  Af hayeenka ururka dhalinyarada ssc ee xagardheere  maxamud c/ tuulo oo ka hadlay taageerada ay urur ahaan siinayaan go,aamada isimada  oo aan in badan sugaynay ayna tahay kuwo dhaxalgal ah  oo anfacaya  mustaqbalka bulshada ssc ayna tahay inay isu taagaan deegaanadooda lahaysto simidaysan hiil iyo hooba

waxaa iyana mesha hadalo  taageero ah oo  ay aad ugu farax sanyihiin ka soo jeediyey dhamaan bulshada noocyadeeda kaladuwan oo dhamaan aad ugu faraxsan guulahaa waaweyn ee ay  sugayeen ee ka soo baxay shirkii  ismada  hol hol iyo buura-wadal  ugu danbayntii waxaa ay ku soo dhamaatay guul iyo farxad ka muuqanaysa dadweynaha halkaas  isugu yimid oo aad u tirabadnaa

                      ************************************************************************************************************

Sidoo Kale waxaa Taageeray go'aankii Isiimada Jaaliyadda SSC ee ku dhaqan Dalka Holland.

Jaaliyadda ka soo jeedda goboladda SSC ee ku dhaqan wadanka Netherlands ama Holland ayaa waxay taageerid aan loo kala hadhin La garabtaaganyihiin go,aamadda ka soo baxay shirkii dhowaan ka dhacay Hol hol iyo Buura Wadal taas oo ay ISIMADA   beesha SSC ka soo saareen go,aamo wax ku ool ah.

Jaaliyaddu waxay bogaadin iyo hanbalyo udirayaan ISIMADA. Go,aanka iyo is afgarashada ka soo baxay shikii ISIMADA ayaa ah runtii mid ay jaaliyaddu aad ugu faraxdey.
 
Jaaliyadda SSC ee Netherlands/
Holland

           *******************************************************************************************************************

 

Abdirisak Mohamed Ismail Jiir

laaska468@hotmail.com

Xagardheere, Kenya

webmaster@ceegaag.com