Waftigii qurbo joogta Reer
Ceegaag ee uu Hogaaminayay Eng. Axmed Jeesaani oo Maanta
Hargaysa ka dhoofay.
(Hargeysa,
February 01, 2010 Ceegaag Online)
Magaalada
Hargaysa waxaa galabta ka dhoofay wafti balaadhan oo ka
socday Qurba joogta reer Ceegaag, waftigaasi oo mudooyinkii
ugu danbeeyey kusugnaa Degmada Ceegaag iyo nawaaxigeeda
kulamo kala duwana la yeeshay Dhamaan laamaha bulshada reer
Ceegaag.
Waftigani
ayaa waxaan hogaaminayay Eng. Axmed Hassan Cumar (Axmed
Jeesaani) waxaana uu markii garoonka diyaaraha galabta ka
dhoofayay u sheegay Shabakada wararka ee Ceegaag online inay
magaalada Ceegaag bishan gudaheeda laga bilaabayo barmaamij
ku saabsan qurxinta bilicda magaalada Ceegaag isagoo intaa
ku daray in laga dhisayo taalooyin Qurux badan oo kuyaala
bartamaha Degmada Ceegaag iyo wadooyinka kala soo galo si
bilicda degmada ceegaag oo ka kooban labo xaafadood oo Waa
wayn kor loogu qaado.
Eng. Axmed Jeesaani waxa kaloo uu Ceegaag Online u sheegay
inay dhinacyada arimaha bulshada sida Caafimaadka,
waxbarashada, biyaha iyo isboortiga ay dhamaantood wax ka
Qabanayaan isagoo ugu baaqay Jaaliyada beesha reer ceegaag
inay u soo jeestaan wadankooda waxaana uu intaasi raaciyey
in guud ahaanba labada xaafadood ee Degmada Ceegaag ay ka
socdaan dhismayaal muhiim ah.
Ugu danbaytii waftigani oo mudooyinkii ugu danbeeyey
kusugnaa magaalada Ceegaag ayaa aad u indho indheeyay amase
kormeer kumaray labada xaafadood ee magaaladu ka koobantahay
iyagoo kula kulmay waxgaradka iyo dadka magaalada ceegaag
kalana hadleen dhinacyada horumarinta magaalada Ceegaag iyo
arimaha nabad galiyada.
Cali
Dhagjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |