shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wariye C/raxmaan Cali Ducaale oo Ceegaag Online uga waramay tirada dadka loo taxaabay xabsiga degmada Caynaba iyo isgaadgsiinta gobolkaasi oo dib hawada ugu soo laabatay.

(Laascaanood ,  February  07,  2010 Ceegaag Online)

Isgaadhsiinta magaalada laascaanood ayaa maanta markii ugu horaysay hawada dib ugu soo laabatay kadib markii 10 casho ka hor wasiirada somaliland ee laascaanood ku sugani ku amreen masuuliyiinta shirkada isgaadhsiinta in hawada laga saaro khadka mobilka ah,waxaana xiligaasi caadi ku shaqaynayey oo kaliya line lineka.

sidoo kale Ceegaag Online ayaa galabta wariye C/raxmaan ka warayastaya tirada dadka loo taxaabay xabsiga degmada caynaba ee gobolka togdheer iyo xaaladihii ugu danbeeyey ee magaalada laascaanood.

Waxaana C/raxmaan galabta ceegaag online u sheegay in Carruur haween,dhalinyaro tiradoodu gaadhayso 70 ruux laga taxaabay magaalada laascaanood kadib markii maalintii shalayto magaaladaasi dibadbax balaadhani ka dhigeen oo uga soo horjeedeen xadhiga loo gaystay Qaar kamid macalimiin macadyada magaalada laascaanood

Dhageyso Wariye C/raxman
 
Cali dhagjar

Buuhoodle

 

webmaster@ceegaag.com