shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xoghaya Guud ee Xisbiga UDUB ee somaliland oo laascaanood gaadhay.

(Laascaanod ,  February  03,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa magaalada laascaanood maanta gaadhay xoghaya Guud ee Xisbiga talada Somaliland haya ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax sida uu Ceegaag online u xaqiijiyay wariye ku sugan Magaalada Laascaanod inkastoo isgaadhsiinta magaaladaas ay wali hawada ka maqantahay.

Xoghaya guud ee Xisbiga udub Jaamac Yaasiin Faarax ayaa maanta magaalada laascaanood kulamo kula Qaatay waxgaradka magaalada laascaanood iyo wasiiro ka socda Somaliland oo horay magaalada laascaanood u joogay waxaan ay masuuliyiintani ka wada hadleen sida ceegaag online u sheegay wariye ku sugan gobolkaasi Sool xaalada amaanka magaalada laascaanood oo mudooyinkii ugu danbeeyey gobolkaasi laga soo dayrinayey.

Socdaalka Xoghaya guud ee xisbiga udub ee Somaliland Jaamac Yaasiin Faarax ayaa sidoo kale dadka siyaada la socdaa ay sheegayaan inuu gobolka Sool u yimid ololaha doorashada Somaliland oo dhawaan laga qabandoono Gobolada kale ee Somaliland.

Jaamac Yaasiin faarax  Xoghaya guud ee Xisbiga Udub ayaa magaalada laascaanood ka soo galay dhinac nugaasha kadib markii uu safar kaga soo baxay degmada Ceel Afwayn oo katirsan gobolka Sanaag waxaana uu Xoghaya guud ee xisbiga udub soo maray magaalooyinka Ceerigaabo iyo degmooyin iyo tuulooyin hoos yimaada Gobolka Togdheer.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com