Xuskii 20 guuradii Maalinta
Horumarinta Adduunka (International Development Day) oo lagu
qabtay Magaalda Edmonton ee Gobolka Albera ee Canada.
(Edmonton,
February 11, 2010 Ceegaag Online)
Xaflad
si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen
masuuliyiin sarsare oo kakala socda dawladda Alberta sida
Wasiirka waxbarashada David Hancock ku xigeenka afhayeenka
baarlamaanka Alberta Wayne Cao, madaxda laamaha kala duwan
ee arrimaha bulshada, ururada caalamiga ah, khubararo ku
xeeldheer arrimaha horumarinta iyo gargaarka biniaadmiga iyo
dadwayne farabadan ayaa lagu qabtay xarunta golaha degaanka
(City Hall) ee magaalada Edmonton.
Xafladdaas oo lagu soo bandhigay wax qabadka urururada ka
shaqeeya horumarinta iyo daryeelka dunida saddexaad iyo
gudaha Canadaba, waxaa soo qabanqaabiyay guddiga Golaha
iskaashiga caalamiga ee Alberta (Alberta Council for Global
Cooperation - ACGC) kaas oo ay ku kulmaan in ka badan 70
urur caalami oo fadhigoodu yahay dalka Canada.
Ugu
horrayn waxaa xafladdas furay Heather Macpherson ah aha
madaxa ururka ACGC iyadoo xustay muhimadda wayn ee ay
maalintani u leedahay guud ahaan adduunka gaar ahaanna
ururada ku hawllan horumarinta iyo daryeelka dunida soo
koraysa iyo kuwa horumarayba. Waxay Heather hadalka ku soo
dhawaysy wasiirka waxbarasha ee gobolka Alberta David
Hancock oo isaguna halkaas ka jeediyay hadal soo jiitay
dhagaha martisharafta isagoo ku ammaanay ururada ku hawllan
arrimaha horumarinta wax qabadka muuqda ee ay ka sameeyeen
caalamka iyo gudaha Canadaba.
Intii
xaladdu socotay waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinno 9 urur
oo loo aqoonsaday sanadkan in ay yihiin kuwii ugu
waxqabadka fiicnaa ee ka hawl galay gudaha Canada iyo
caalamkaba. Ururradaas abaalmarinta helay ayaa waxa ka mid
ahaa ururka waxbarashada iyo horumarinta reer miyiga ee
SCERDO oo lagu ammaanay hoggaaminta, barbaariinta iyo
toosinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada
Edmonton iyo dalka Soomaaliyaba.
Waxaa
abaal marintaas la guddoonsiiyay Amaal Cabdi Ciise oo ah
madaxa mashruuca “Kac oo Hoggaami” (Stand Up and Lead ) oo
ay fuliso hay’adda SCERDO. Amaal oo ah gabadh Soomaaliyeed
oo da’yar ayaa ku mutaysatay abaalmarintaas ay u soo jiidday
guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada ku
dhaqan gobolka Alberta karti iyo dadaal dheeraad ah iyadoo
ka mid noqotay 9ka qof ee gobolka Alberta ugu waxqabadka
badnaa sanadkii 2009, marka laga eego xagga hoggaaminta,
kartida, aqoonta iyo gargaarka aadamiga.
Gabagabii xafladda ka dib ayaa wasiirka waxbarashada David
Hancock kulan gaar ah oo gaaban la yeeshay ururka SCERDO iyo
taageerayaashiisa isagoo ku ammaanay waxqabadka ay u hayaan
dadkooda iyo dalkooda (Somalia-Canada), wuxuuna u
ballanqaaday wasiirku in uu ururka SCERDO wax la qaban doono
xilliyada soo socda. Waxaa isna wasiirka warbixin kooban ka
siiyay waxqabadka ururka guddoomiyaha guddiga fulinta ee
SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal) kana mid ah Guddiga Golaha
Iskaashiga Caalamiga ah ee Alberta (ACGC) isagoo isla
markaana uga mahadceliayay wasiirka sida uu u danaynayo
daryeelka bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada
Edmonton gaar ahaan dhinaca waxbarashada iyo barbaariinta
dhallinta soo koraysa. Xaflada ayaa jawi wanaagsan kusoo
gabagabooday.
Daawo
Sawiradda
Source: Scerdo.org
webmaster@ceegaag.com |