Warshadii labaad ee Hilibka
oo Magaalada Burco laga hirgaliyey .
(Burco,
January 21, 2010 Ceegaag Online)
Magaalada
Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa lagu Qaytay
munaasabad balaaddhan oo lagu dhagax dhigayo warshad loogu
talagalay qaliinka hilibka iyo dhoofinta xoolaha,
Munaasabada Xafladaasi ayaa waxa ka soo qayb galay
masuuliyiin ka socota maamulka Somaliland iyo ganacsatada
maali galinaysa mashruucan warshada cusub ee laga hir
galinayo magaalada Burco iyadoo dhaqaalaha ay iska
kaashandoonaan ganacsto ka soo jeeda Dalka Malaysia.
Wasiirka
Warshadaha maamulka Somaliland Axmed Cali Ubaxle, oo ka
hadlay xafladaasi ayaa sheegay in talaabadani tahay
dhiirigalin wayn iyo saylad cusub oo u furantay xoolaha
geeska afrika gaar ahaan kuwa Somaliland.
Axmed Cali
ubaxle Wasiirka Warshadaha maamulka
Somaliland
ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in maamul ahaan ay
markasta soo dhaweynayaan qoflkaste oo maalgashi ka
samaynaya, wixii qalab warshadeed ah loogu samayn doona,
cashuur dhaaf.
Warshadaasi ayaa loogu talay galay Qaliinka xoolaha
Soomaaliyeed sida geela adhiga, Lo’da iyadoo maalintii
warshadani soo saaraysaa xoolo gaadhaya 1500 oo neef oo
isugu jira dhamaan noocyada xoolaha waxa ay arintaasi siwayn
u soo dhaweeyay guud ahaan ganacsatada magaalada burco iyo
dadwaynaha caadiga ahba oo ku tilmaayay inay tahay horurmar
la taaban karo oo laga gaadhay dhinaca warshadaha soo
saaraya hilibka.
Dhinaca kale
magaalada burco ayaa waxaa horay looga hirgaliyey warshad
tan lamid ah oo soo saaraysa hilibka waxaana magaaladaasi
horay sidoo kale ka jiray warshado yar yar oo soo saaraya
saamuunta iyo sharaabka noocyadiisa kala duwan.
Cali
Osman Yuusuf (Cali
Dhagjar)
calidhagjar@hotmail.com
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |