shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawlada Hoose ee degmada Buuhoodle oo Bilowday olole nadaafadeed.

(Buuhoodle,  January  14,  2010 Ceegaag Online)

Dawlada Hoose ee Degmada Buuhoodle ayaa saaka Magaalada Buuhoodle ka Bilowday olole balaadhan oo dhinaca Nadaafada ah Waxaana ololahaasi lagu Nadiifinayey dhamaan wadooyinka mara magaalada gudaheeda iyo Xaafadaha.

Madaxda degmada buuhoodle oo oloahaasi kadib la hadlay Saxaafada gaar ahaa Ceegaag Online ayaa sheegay inay wadaan olole balaadhan oo lagu nadiifinayo wadooyinka iyo goobaha ganacsiga iyo Meelaha muhiimka ahba.

Gudoomiyaha degmada buuhoodle iyo Kuxigeenkiis ayaa dadwaynaha ugu baaqay inay dawlada hoose ee degmada buuhoodle kala shaqeeyaan arimaha nadaafada ayna iska ilaaliyaan dhibaatooyinka keena nadaafad darada maamulka degmada ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka kunool buuhoodle inay bixiyaan Cashuurta si wax loogu Qabto arimaha dhinacyada caafimaadka waxbarashada,biyaha oo ah dhinacyada arimaha bulshada.

Dhinaca kale maamulka degmaga buuhoodle ayaa balan Qaaday inay todobaad waliba olole dhinaca nadaafada ah ay ka bilaamaya magaalada buuhoodle oo lagu hagaajinayo bilicda magaalada laguna hortana naafad daro ka dhalata gudaha magaalada buuhoodle

Cali Osman Yuusuf (Cali Dhagjar)

calidhagjar@hotmail.com

Buuhoodle


webmaster@ceegaag.com