shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xiisad kataagan degmada Hurufadhi kadib markii la jaray wadii mari jirtay bartamaha magaalada

(Hurufadhi,  January  20,  2010 Ceegaag Online)

Hadalka Gaashaale Ibraahi Cabdi Balaya (dhoolgu)  Dhagayso

Degmaga Hurufadhi oo ka mid ah degmooyinka deegaanka Buuhoodle mudooyinkii ugu danbeeyey kataagnaa xiisad dhinaca dhulka ah oo saamayn wayn kuyeelatay guud ahaan degmada Hurufadhi kadib markii wadadii mari jitay bartamaha magaalada dhexdeeda la jaray gaadiidkiina ay xaniman yihiin,  wadadan oo ay  istimaali jireen dadwaynihii caadiga ahaaba.
 
Hadaba shabada wararka ee Ceegaag Online ayaa khadka talefoonka degmada Hurufadhi waxay maanta ku waraysatay taliyaha booliska degmada Hurufadhi Gaashaale Ibraahi Cabdi Balaya (dhoolgu) waxana Ceegaag Online waydiisay inuu faah faahin naga siiyo sabahaa keenay in la jaro wadii bari jirtay bartamaha degmada Hurufadhi.
 
Dhinaca kale guud ahaanba waxgarada degmada Hurufadhi oo Ceegaag Online dhinacooda u waramayey ayaa sheegay inay wadaan dagaal xoogan oo loogu jiro sidii wada loo furilahaa xidhan inta muda ah oo gaadiidkiina ku xaniman yahay iyo ganacsigiiba.
 
Mudooyinkii ugu danbeeyey wax dhinaca dhulka nugaasha xiga ku soo badanayey is qab qabsiga dhinaca dhulka waxan arimhaasi sabab looga dhigayaa dadkii hawdka degi jiray oo magaaleeyey degmooyinka iyo tuulooyinka iyo deegaano horleh oo camir may sida degmada Ceegaag oo 2006 rasmi ahaan loo degay maantaba dhaaftay degmo.
 
Cali dhagjar
Ceegaag online
Buhodle
Email baaxeer2008@hotmail.com
 
www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com