Issimadii ka qeybgalay
Shirkii Nairobi oo kusoo guryo noqday Puntland oo aanu ka
wareysanay Wasiirka Kaluumeysiga.
(Boosaaso,
January 05, 2010 Ceegaag Online)
Wasiirka Kalluumeysiga Puntland
Maxamed Faarax Aadan
Dhageyso
Waxaa Maanta
Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari kusoo guryo
noqday Qaar kamid ah Issimadii ka qeybgalay Shirkii Nairobi
Waxaana waftiga isimada ku soo dhaweeyey garoonka
diyaaradaha ee magaalada Boosaaso Wasiiro, Xildhibaano
Ganacsato iyo dadwayne aad u farabadan waxaana Isimada
saxaafada kula hadleen garoonka diyaaradaha ee magaalada
boosaaso.
Isimada ayaana markii danbe loo galibiyey madaxtooyada
magaalada Boosaaso waxaana halkaasi ku Qaabilay Madaxwayne
kuxigeenka Dawlada Puntland Gen. C/samad Cali Shire, Hadaba
Shabakada Ceegaag Online ayaa Socdaalka Isimada Maanta ka
waraysatay Wasiirka Kalluumaysiga Puntland Dr. Maxamed
Faarax Aadan Waxaana wasiirku nooga waramay shirkii
saxaafada ay ismada u Qabteen iyo waxyaabihii ay kuwada
hadleen madaxwayne kuxigeenka Puntland.
Sidoo kale Wasiirka ayaanu ka Waraysanay shirka dhawaan lagu
Wado in Isimada SSC kuyeeshaan deegaanka Holhol iyo mowqifka
Maamul Goboleedka Puntland ee shirkaasi ku aadan, sidoo kale
wasiirka ayaa ka hadlay haysatshada maamulka Somaliland ee
Xarunta SSC ee Laascaanood waxaana ugu baaqay in maamulkaasi
ay si deg deg ah uga baxaan.
Dhinaca kale Wararka hada ku Soo dhacay Warqabadka Ceegaag
Online ayaa sheegay in magaalada Boosaaso ee Caasimada
ganacsiga Puntland Caawa lagu dilay mudane katirsan
Barlamaanka Maamul Goboleedka Puntland.
Xildhibaanka la dilay ayaa lugu magacaabi jiray C/laahi Cali
Cismaan ayaa dilkiisa Caawa Siwayn looga naxay guud
ahaan Magaalada Boosaaso waxaa hada ka soconaya Boosaaso baadhitaan
xoogan oo ay wadaan laamaha amaanka ee Puntland walina ma
jirto cid si rasmi ah loogu Qabtay.
Cali dhagjar
Ceegaag Online
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |