shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafti kasoo kicitimay Imaaraadka iyo Sacuudiga oo booqasho ku yimid Degmada Ceegaag.

(Ceegaag,  January  10,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa Degmada Ceegaag Soo Gaadhay Wafti balaadhan oo kamid ah Qurba Joogta degmada Ceegaag waxaana waftigani ka soo kicitameen Wadamada Sacuudiga iyo Imaaraaradka,wafigan ayaa waxaa hogaaminayay Eng. Axmed Hassan Cumar (Axmed Jeesaani) waxaana Kamid ah.

Khadar Hassan Cumar
Faarax Hassan Cumar
Eng. Axmed Hassan Cumar
Maxamed C/laahi Hassan

Waftiga ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Magaalada Ceegaag waxayna kulamo layeesheen dadweynaha iyo waxgaradka Degmada Ceegaag, kadib waxaa Xarunta dugsiga labaad ee hoose dhexe ee degmada ceegaag ka dhacay shir balaadhan oo ay ka soo Qayb galeen dhamaan Waftigadii ka kala socday Qurba jooga Reer Ceegaag iyo Dadweynaha iyo Waxgaradka Ceegaag.

Shirkaasi ayaa ugu horayn Waxaa lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka ah iyo Wacdi Waxaana kadib halkaasi ka hadlay Eng. Axmed Jeesaani oo u hadlay Qurba jooga Reer Ceegaag ee ka yimid wadanka dibadiisa Waxaana uu Eng. Jeesaani uu Sheegay inuu degmada ceegaag u yimid inuu ogaado horumarka ka soconaya dhinacyada Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Eng. Jeesaani Waxaa kaloo uu sheegay inuu u yimid Ceegaag  inay Isbartaan dadweynaha ku nool Degmada Ceegaag oo ay kala maqnaayeen mudo badan ayna ka Qayb Qaadanayaan horumarka ka soconaya degmada Ceegaag, Waxaana uu madasha Shirka ka Balan Qaaday inuu Ceelkii biyaha Riigana dhawaan ka bilaabidoono degmada Ceegaag isagoo kala kaashandoono Qurba joogata kale ee Reer Ceegaag.

Waxaana halkaasi Sidoo kale ka hadlay Waxgaradka iyo Mas’uuliyiinka Degmada Ceegaag iyagoo wafigaa u balanqaaday inay kala shaqeyndoonaan wixii horumar ah ee ay kusoo kordhiyaan Degmada Ceegaag waxay kaloo balan qaadeen in ay sugayaan guud ahaan nabadgalyada iyo xasiloonida Deegaanka.

Daawo Sawiradda

Cali dhagjar
Ceegaag

webmaster@ceegaag.com