shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gabooyaha iyo Arinta Kuulcarre!

(Somalia,  January  01,  2010 Ceegaag Online)

Waxaad baryahan ku arkaysaa webebka afsoomaaliga lagu qoro sheekooyin ku saabsan arinta aan mowduucan ciwaanka uga dhigtay,taas oo ah mid xasarad ka dhex abuurtay dhammaan dadyawga ay khusayso. Arintani waxay salka ku haysaa in reer gabooyaha ka mid ah qolooyin yiraahdeen waa reer isaaq ah oo ka soo lumay, reerka la yiraahdo Habaryoonis reerkaas Gabooyaha ah waxaa la yiraahdaa( Maxaad Barre) waxayna ka mid yahiin gabooyaha oo aan ognahay inuu kulmiyo dadyow kala duwan balse uu ka dhexeeyo cadaadiska iyo takoorka soomaalidu baday, waa dad uu ka dhexeeyo xiriir guur oo aanay soomaalida kale la wadaagin ogow waa Gabooyaha'e,

Gabooyahu ma aha magaca aabaha ay ku abtirsadaan dadyowga shaxdan ku wada jiraa ,qolo walbi waxay leedahay abtir u gaar ah oo aan midna mid lagu khaldi karin, sida Muuse dheriyo,Madhibaan,Yibro,Tumaalo,Maxaad barre iyo Hawle.ma jiro reer la abtir ah kan kale,waa dad  ay aad u adagtay si loo cadeeyo sida ay shaxdan isugu yimaadeen iyo goorta ay isu yimaadeen ma aha dad si wadajir ah ama talo wadajir ah ka yeeshay sidii ay dhibtan isaga qaadi lahaayeen waa dad la qaybsaday waxaana kuu cadaynaaya sida reerba reer ula dego.

Waxaa hadda ku soo siyaaday in qolo tiri reer kooxdan ka mid ahi waa anaga waxaa laga rabaa cida doonistan  inay keenaan cadayn ay ku xaqiijinayaan doonistooda iyadoo laga fogaanaayo kala qaybin iyo iska horkeen dadka weligood isla noolaa kuwaas oo aan weligood wax muran ahi soo dhex marin,dad badan oo gabooyaha ka mid ah ayaa qaba in arintani tahay tab cusub oo ku soo korodhay takoorkii,halka qaar kalena qabaan in weerar lagu hayo wada jirka dadyawgan, halka qaar kale qabaan in hardenka ka dhexeeya qabiilooyinka waa weyn in lala soo dhex galay.


waxaa jira kooxo ku doodaaya in la baabi'naayo magaca gabooyaha ma jirto cid xaq u leh inay baabi'iso magacooda haddii aanay iyagu raali ka ahayn,ma garaayo inay jirto cid gabooye ah oo magacoodu culaus ku hayo.
Isku soo wada duuduuboo waxaan gabooyaha leeyahay waa xili kala guur ah ,waxaa jira kala danaysi ay wadaan qabiilooyinka waaweyni waa dhici kartaa inay arintan keentay, waxaase hubaal ah inaanay qolona xaq u lahayn inay faraha la gasho arimaha reero kale.


waxaan Habaryoonis leeyahay fadlan cidii idinka maqan  waa inaad cadayn kartaan meesha ay idinkaga maqan yihiin reerka aad leedahiin waa Kuul carre waa dad ku dhaqan  degaamada Habaryoonis iyo inta Oodoodu gaarto marka ma garan karo meesha iyo sida ay idiinka lumeen.waxaa haboon inaydaan cidna waxba u dhimin waxaa waajib idinku ah inaad arimahiina gudaha ka shaqaysaan gabooyahana nabad gelisaan.


Ugu damabayn waxaan ugu habalyanayaa Gabooyaha inay yihiin dad isku xisaabtama isuna og sida qabiilooyinka kale, waxaan ku guubaabinayaa inay maalkooda iyo Maskaxdooaba mideeyaan si ay ugu gilgishaan dulmiga ay ku qabaan gebi ahaan soomaaliya gaar ahaan Puntland and Somaliland oo ay ka yihiin dad aan haysan xaquuqda ay ula siman yahiin dadyawga ay isla nool yihiin.waxaan sanadkan cusub u rejaynayaa in wax weyni iska bedeli doonaan ayna talo isula iman doonaan,waxaan hubaa in arinta Kuul care tahay mid midayn doonta.Insha'Allah
 
Wabilaahi towfiiq
Waa qalinkii Hussein Dualeh Dahir
Somali minorities Activist
 


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com