shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaalada masiibada ah ee ka dhamaan la’ Soomaaliya siiba Caasimada Muqdisho oo galay Xaaladii ugu xumayd ilaa intii uu majaraha u qabtay Dawlada Soomaaliya Mad. Sheekh Shariif.

(Muqdisho,  January  29,  2010 Ceegaag Online)

Dawlada Soomaaliya oo haatan u muuqata inay muruqaysatay una babac dhigi karta kooxo diimeedyada xukundoonka ah ee kasoo horjeeda ayaa dagaal saf balaadhan ah ku qaaday dhamaan qaybaha ay magaalada Muqdisho ka joogaan kooxahan huwanta Al-shabaab  iyo Xisbul  Islaam.

Xaafadaha laysku hirdiyay manta ayaa waxaa lagu sheegayaa Hodan iyo Hawlwadaag siiba Agagaarka KM-4,  Taleex, Tarabuunka iyo isbataalkii Digreer.

Daryanka madaa fiicda ayaa iyana lagu soo warmayaa in laga maqlayay dhanka waqooyi ee Caasimada Muqdisho, iyadaoo ciidamada dawladu gacan kula dagaalamayaan Al-shabaab halka ay madaafiic kula herdamayaan kooxaha  xisbul Islaam.

Cabsi aad ubalaadhan ayaa lagasoo sheegayaa in shacabka  reer Muqdisho soo food saartay,  cabsidan oo ka dhalatay xadgudubyadii iyo tacadigii loo gaystay dad aan waxba galabsan oo lagu xasuuqay ama lagu fara xumeeyay Caasimada iyada oo dadka manta dhibku haysto  badankoodu  raali ka ahaa ama wax ka qaban waayeen xadgudubyadaa dhaliyay ciqaabka rabaaniga ah ee dul hoganaya guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaana wali la’ogayn qasaaraha ba’an ee ay gaysteen iyada oo ay u eegtahay in dhibaatadan Labaatan jirsatay inaysan ku eekeen mid dhamaad ku dhaw. Dhinaca kale dhibkan ayaaba ku soo sinqay dhanka waqooyi ee Soomaaliya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com