shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wakaalada Badbaadada Qaranka Mareekanka (NSA) oo basaasta adeegsadayaasha Windows7!!!

(Imaaraadka,  January  05,  2010 Ceegaag Online)

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa kii aanu jirin Nebi ka dambeeyaa iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii dhamaan.

Intaas ka dib:

Labaatankii sano ee aynu soo dhaafnay, waxa horumar baaxad wayn leh laga gaadhay xaga isgaadhsiinta, taas oo ay suura gelisay burburkii ku yimid midowgii Soofiyeetka(Soviet Union) iyo gaashaan buurtii Warsaw oo meesha ka baxday, halkaas oo uu ku soo afjarmay wixii loo yiqiinay dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay labada gaashaan buureed ee Nato iyo Warsaw, taas oo keentay in Mareekanku u soo bandhigay aduunka adeegsiga Internet ka, iyada oo ay markii hore mudo dheer Adeegsigeedu ku koobnaa uun ciidamada Mareekanka, tani waxay albaabada u furtay horumar baaxad wayn oo laga gaadho xaga isgaadhsiinta.

waxaa bilaabantay in dayax gacmeedyo hagaaya isgaadhsiinta hawada sare loo diro oo ay leeyihiin Ururo, wadamo iyo xataa shirkado gaar loo leeyahay, iyo in la sameeyo keebulo (cables) Internet tayo leh isaga gudbiya qaarad ilaa qaarad, waxa kaloo bilaabmay tartan dhex mara shirkadaha sameeya Combuutarada iyo barnaamijyadooda kala duwan iyo xataa kuwa samaya

Tilifoonada, hadaba horumarkan baaxada leh ee laga gaadhay farsamada macluumaadka(information technology), waa arin aan inteen badan oo maanta adeegsanaysaa aanay marna ku ri’yoon in horumar noocan oo kale ah la gaadhi doono, oo aduunka oo dhami noqonaayo sidii tuula yar oo daqiiqado yar afarteeda dacal laysaga gudbaayo, maanta wax kasta oo macluumaad ah oo aad u baahatid waxaad ku ogaanaysaa ama ku helaysaa daqiiqada yar gudahood, waqtiyo aad u dhowaa warqada aad is tidhaahdo Cid u dir waxay qaadan jirtay todobaadyo ama bilo inay ku gaadho halkii aad u diraysay, maantana waxaad adeegsanaysaa E-mail ku gaadha ilbidhiqsiyo yar meel kasta oo aad doontid aduunka dacaladiisa, bal maanta waxaa kuu suura gashay adoo hoos fadhiya gurigaagii jiingada ahaa, inaad la soo sheekaysato ahalkaaga iyo asxaabtaada ku kala sugan aduunka dacaladiisa adoon wax lacag ah oo la taaban karo bixin iyo inaad si fudud u hesho macluumad kasta oo aad u baahatid iyo wax badan oo Aynaan qoraalkan ku soo koobi karayn.

hase yeeshee  nimcadaa balaadhan ee uu Allaah tacaalaa inoo fududayay kama madhna nuqsaan iyo shar aynu inagu gacmaheena ku kasbanay, tusaale ahaan markuu noqday maanta Combuutarku wax aasaasi u ah nolosha qofka iyo maslaxad kasta nooca ay doonto ha noqotee, Internetkuna aduunkii oo dhan isku soo dhoweeyay oo ay u noqotay saaxad ay ku kulmaan, ayaa waxa batay weeraro ah arbushaad, diiqadayn iyo dhibaatayn qofka kaga imanaaya dhinacya kale

Oo aanu isagu markaa garanayn qarkood, dhinacyada kale se waxay noqon karaan kuwa aan iyana garanayn laakiin se u soo raacay barnaamijyo uu adeegsanaayo, kuwa garanaaya oo toos u wax yeelaynaya oo ay wax yeelaynta iyo dhibaatayntu ay u tahay balwad. Weeraradaasu way noocya badan yihiin sida in E-mailo xayaysiis ah oo aad u tira badan laguu soo diro, in lagu basaaso oo lagu dhegaysto macluumadka Combuutarka kuugu jirana lagaa xado, in Virus yo laguu

Soo diro lagaaga kharibaayo Combuutarka iwm, shirkadaha waawayn ee nadaamka ka shaqaysiinta (operation system) sameeya iyo kuwa barnaamijyada kala duwan ee  lagaga hortago kharibaada Combuutarka sameeyaa aad bay ugu dedaaleen in ay arimahaa ka hortagaan, hase yeeshee markay arin ku guulaystaanba mid kale oo hor leh baa soo baxda, sida muuqata suuqanu waa mid aan lagu kala adkaanayn sida dhibaatada dalkeena ka taagan, shirkadaha nadaamka ka shaqaysiinta sameeya iyo Kuwa barnaamijyada kala duwan ee loo adeegsado Combuutarka sameeya laftoodu kama madhna mararka qaar dhibaataynta adeegsadayaasha nadaamkooda iyo barnaamijyadooda, ka sokow maalka faraha badan ee ay kaga iibiyaan dadka nadaamadooda iyo barnaamijyadooda, waxay ku dhex samayaan barnaamijiyo xayaysiis ah iyo kuwa ay ku ilaalinayaan mulkiyada oo dadka arbusha iyo xataa kuwa ay adeegsadayaasha ku basaasaanba, tusaale waxaa inoogu filan fadeexadii ay kala kulantay Shirkada wayn ee aadka loo yaqaano ee Google daalaciyeheeda (browser) la yidhaahdo Google Chrome, kaas oo la ogaaday muda yar ka dib markuu soo baxay in ay shirkadu ku basaasto adeegsadayaasha, oo ay dhamaan macluumaadka ugu jira qofkaa Combuutarka lagu kaydiyo archives ka shirkadaa, Google hada waxay soo saaraysaa nadaam ka shaqaysiinta ah oo u gaar ah, hase yeeshee in kasta oo loo baahnaa shirkad tartan kula gasha Microsoft suuqaan ay sida xaaraanta ku haysato, ayaan hadana aad loogu farxin in ay shirkadaasu noqoto Google, ka dib markay ku fadeexadowday daalaciyeheedii Google Chrome.

Wakaalada badbaadada qaranka mareekanka (NSA) oo basaasta adeegsadayaasha Windows7!!!

Maanta waxaa soo baxday fadeexad kale oo aad u wayn, yay se ku dhacday fadeexadanu?!!! Waxay ku dhacday shirkada wayn ee aan ilaa hada cidina uga awood badnayn suuqaan nadaamada ka shaqaysiinta, waa shirkada aadka u wayn ee Microsoft ee soo saarta nadaamada ka shaqaysiinta ee loo yaqaano Windows iyo barnaamijyo kale oo badan oo la xidhiidha Combuutarada, Sida ku xusan cinwaanka qoraalkan waxaa soo shaac baxday dhowaanahan, inWakaalada badbaadada

Qaranka ee Mareekanka (NSA) ay basaasto adeegsadayaasha nadaamka cusub ee Windows 7, nadaamkan oo ah kan hada cusub ee ay soo saartay shirkada Microsoft, nadaamkan oo ahaa mid ay adeegsadayaasha Windows ku aad ugu faraxsanaayeen, iyada oo ay shirkadu ku guulaystay in ay ku xaliso nadaamkan ceebo badan oo ay lahaayeen nadaamadii ka horeeyay, gaar ahaan ka dib markii ay kala kulantay shirkadu guuldaro baaxad wayn nadaamkii kan ka horeeyay ee Windows Vista.

Hadaba waxa la ogaaday in Wakaalada badbaadada qaranka Mareekanka (NSA) ay basaasto adeegsadayaasha nadaamka cusub ee Windows 7, sidaas waxa ka hor qirtay kongreeska (congress) Mareekanka mid ka mid ah masuuliinta waawayn ee Wakaalada badbaadada qaranka Mareenka (NSA), in ay wakaaladu kala qayb qaadatay Microsoft samaynta nadaamka ka shaqaysiinta cusub ee Windows 7!!! Mowduucanu waa mid aad loo og yahay, laguna sheegay wargaysyada aduunka ugu waawayn iyo Tilifsiyoonadaba, mana aha kan arintan dabada ka riixaya oo dhaqaajiyay aniga iyo adiga toona ama masuul ama aqoonyahan ka mid ah aduunka Islaamka, ee bal waxaa dabada ka riixay oo dhaqaajiyay shirkadaha waawayn ee Mareekanka, iyagoo ka baqaaya in la basaaso, yacni u baqaaya maslaxadahooda in la basaaso, hadaba sheekadanu iyada oo kooban waxay tahay:

in Wakaalada Badbaadada Qaranka Mareekanku(NSA) ay cadaadis ku saartay shirkada Microsoft in ay samayso waxa lagu magcaabo “Albaaba dambe” “Back doors” waana tacliimaat barnaamijsan oo iyaga u gaar ah, waa Wakaalada badbaadada Qaranka Mareekanka ee, oo ay ku beerto nadaamka laftiisa, kuwaas oo iyagu waa barnaamijyadaas ee, u suura gelinaaya Wakaaladu in ay daba gasho oo dhegaysto dhaqdhaqaaqoodana ilaaliso adeegsadayaasha nadaamkan Windows 7, waana tan qaar sheekooyinka laga yidhi arintan: tan kowaad waxay tahay in ay Microsoft la gaabisay ka saarista qaar qalabkaa nadaamkan ka shaqaysiinta Ee cusub, ka dib bil markii la soo saaray koobiga (copy) cusub oo ah nadaamkan Cusub!!! Taas oo macnaheedu yahay in barnaamijyada la sheegay ay dhab ahaan ku jireen nadaamka!!! In se laga saaray iyo in kale Allaah tacaalaa uun baa og.

Sheekada labaadna waxay ka hadlaysaa oo sheegaysaa in Wakaalada badbaada qaranka Mareekanka (NSA) ay cadaadis ku saartay Microsoft iyo shirkado kaleba in ay ku dhex beeraan barnaamijyada Wakaalada nadaamkooda iyo barnaamijyadooda. Waxaa qaarkiin Odhan karaan oo maxaan haystaa oo ay iga basaasaysaa Wakaalada badbaadada qaranka Mareekanku, waana loo dhigi karaa sidaa markaynu ka hadlaynu adeegsadaha caadiga ah, hase yeeshee arintanu waa mid dadka lagu dulaysanaayo, waxayna ka mid noqonaysaa xad gudubyada ugu waawayn ee Bini Aadamka lagula kaco, Diinteena suuban iyo dhamaan Miladaha kale ee aduunka ka jira, akhlaaqda wanaagsan iyo  sharciyada aduunka ka jiraba dhamaan way ka soo horjeedaan basaasida noocan ah,

Marka laga soo tago adeegsadaha caadiga ah, waxaan shaki ku jirin in ay basaasidani ku dhacayso dowladeheena Islaamka iyo shirkadaheena waawayn ee islaamka meel kasta aduunka ha ka joogaan ee. Marka waxa is waydiin mudan, ma imanaysaa maalin uu jiraayo nadaam ka shaqaysiineed oo Muslim ah 100% oo ay weliba jirayaan barnaamijyo Muslim ah oo ay sameeyeen gacmo Muslim ah, oo aanay suura gal ahayn in ay Wakaalada badbaadada qaranka Mareekanku soo dhex gasho iyo Wakaalada sirdoonka Tooni, taas ayaan Allaah tacaalaa ka rajaynaynaa inuu inoo fududayo, waayo uma aynu negin caqli, cilmi iyo xoola toona, bal waxaynu dheernahay iyaga iimaankeena aan yaqiinsanahay Rabiga caalamiinka. Waxa kale oo iyana meesha imanaysa su’aasha ah, mar hadaynu ku suganahay khatarta ah in ay asraarteenu ku dhacdo gacanta cadawgeena, inana aynaan maanta lahayn nadaam ka shaqaysiinta ah oo inoo gaar ah, ma jiraa nadaam kale oo aan ahayn kuwaa cadawgeenu adeegsado?

Linux waa nadaamka kaa maaran siin kara Windows iyo Macintosh ba

Jawaabtu waa haa, waxaa jira nadaamka ka shaqaysiinta ee loo yaqaano Linux, Linux waa nadaam caan ah oo sumcad wayn leh, waa nadaam aanay ku filayn in weedho socota ah laga yidhaahdo sifadiisa, waa nadaam u soo kordhiyay bani Aadamka wax badan, Waxa jira dad badan oo aan kari karin in ay iibsadaan nadaamada cusub ama ay cusboonaysiiyaan qalabkooda, kuwaas oo ku khasban in ay hadana ku jiraan gacanta shirkadahan sida xaaraanta ah ku xirtay suuqan, ee aynaan kari karin in aan diidno Amaradooda iyo dalabaadkoodaba, ulama jeedo hadalkayga in badan oo ina ka mid ah oo laba yaaban hadalkayga, waayo maba iibsadaan nadaamada asliga ah ama barnaamijyada asliga ah, ee waxa ay doonaan inay ku helaan siyaabo bilaash ah, xaalkooduna waxa weeye Allaah ha noo daayo Budhcada Internet ka ee wax walba noogu keenaaya bilaashka!!! Ee waxaan ula jeedaa hadalkayga inta badan ee iyagu dhowra una hogaansan sharciyada mulkiyada ee caalamiga ah. Hadaba nadaamka Linux waa Nadaam u dhigmi kara oo la mid ah kan Unix, isaga ayaana laga soo qaatay asalkiisii oo laga horumariyay, waana nadaam xor ah oo bilaash ah, oo soo bixitaankiisu furan yahay, faylasha soo bixitaankiisana (source files) aad arkaysid, waxana u suura gal ah qof kastaa in uu sii horumariyo isaga oo aan ogolaansho waydiisan cidna haba yaraatee, waxa bilaabay oo samayay nadaamkan Linus Benedict Torvalds oo u dhashay dalka Finland markuu sanadku ahaa 1991, wuxuuna soo saaray koobigii ugu Horeeyay sanadku markuu ahaa 1994.

Maanta waxaa kala qayb gala in ka badan kun Borogaraamiste (programers) oo kala jooga aduunka daafihiisa. Hadaba wax iman karta su’aasha ah ma yahay nadaamkanu mid fudud sida Windows ka mise waa ku adag yahay in qofka caadiga ahi fahmo? Si aanan been u sheegin, waxaan leeyahay wax kasta oo cusubi marka hore waa adag yahay, laakiin anigu shakhsi ahaan waxaan adeegsanaayay adeegsi caadi ah mudo igu filan aan se badnayn, markaa aniga Oo ah adeegsade caadi ah waxaan u arkaa in nadaamkanu wax badan ka fudud yahay tusaale ahaan Windows Vista, maalinbana maalinta ka dambaysa waan sii jeclaanayaa nadaamka Linux. Hadaba maxay kaga fiican tahay nadaamada la midka ah?  Waxay kaga fiican tahay way ka dheeraysaa, way ka xoog badan tahay, way ka fududahay, way ka amaansan tahay, wayna ka deganaan badan tahay isma taag taagto. Asal ahaan markii hore waxa loogu tala galay oo loo samayay  shabakadaha (Net works),  oo waa Nadaam ilaalsan, waxaana loo sameeyay in uu weligiis ahaado xor iyo bilaash aan laysku xakirin, waxaa mulkiyadiisa leh Bini Aadamka oo dhan, waa caalami wuxuuna taageeraa afaf badan oo kala gedisan, ma laha wax Virus yo ah iyo basaasid toona, qalabkiisu waa u dhan yahay iyo afafka borograamintuba (programing languages). 

Linux Ubuntu

Hadaba nadaamkanu wuxuu leeyahay qaybo kala duwan sida Windows ka tusaale ahaan, oo weliba wadamo dhowr ah lagu kala sameeyo, kan ugu caansan ahna kan ugu deganaashaha badan, waxaa la yidhaahdaa Ubuntu, nadaamka Linux ee Ubuntu waxaa lagu samayaa dalka Koonfur Afrika (South Africa), waxaana taageero dhinac walba ah siisa shirkada Conical Limited, kelmeda  Ubuntu waxaa macnaheedu yahay dadnimo, Linux Ubuntu waa nadaam aad looga soo dhowayay oo looga jecel yahay Aduunka daafihiisa, shacbiyadiisuna ay sii badanayso maalinba maalinta ka dambaysa, sababta oo ah taageerada ay helayso iyo cusboonaysiinteeda joogtada ah, sidaas darteed baan ana uga doortay qaybaha kale oo dhan. Ugu dambayntii iyada oo aanu shaki ku jirin in in badan oo akhristayaasha ahi adeegsadaan nadaamkakan, ayaan inta kalena ku dhiiri gelinayaa bal in ay iyana eegaan oo jitaabiyaan nadaamkakan, waxana hubaal ah inaad jeclaan doontaan.

Wabillaahi atowfiiq

Essa Mohamoud Aadam

almutawaadic@yahoo.com

cidii jecel in ay aqriso qoraalada arintan laga qoray halkan ha ka aqristo mid ka mid ah

http://www.computerworld.com/s/article/9141182/Microsoft_denies_it_built_backdoor_in_Windows_7&prev=/search%3Fq%3DNews%2Bcomputer%26hl%3Dar%26lr%3D%26client%3Dfirefox-a%26channel%3Ds%26rls%3Dorg.mozilla:ar:official%26sa%3DX&rurl=translate.google.com&usg=ALkJrhinPU8g8O-dkLNPjltzQbPABgGS_Q 

webmaster@ceegaag.com