Qarax lala beegsaday
gudoomiyaha gobolka Sool iyo wasiiro ka socda somaliland oo
Laascaanood gaadhay.
(Laascaanood,
January 28, 2010 Ceegaag Online)
Wariye Axmed Cali Faarax
Dhageyso
Gudoomiyaha gobalka Sool ee Maamulka Somaliland
Faarax
Askar Xuseen
ayaa maanta duhurnimadii Qarax lagula beegsaday magaalada
laascaanood ee xarunta gobolkaasi Sool, Qaraxan ayaa maanta
ka dhacay barxada hore ee gurigiisa xili uu ka soo rawaxay
shaqadii xafiiska gobolka sool.
Qaraxaasi ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaadhay
gudoomiyaha gobolka sool Faarax Askar Xuseen waxaana sidoo
kale ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Gudoomiyaha,
Qaraxaasi ayaa sidoo kale waxaa dhaawac culusi ka soo
gaadhay haweenay ka agdhawayd goobtii uu maanta Qaraxu ka
dhacay waxaana lagu sheegay tirada dadka dhaawacmay ugu
yaraan 5 Ruux uu ku jiro gudoomiyihii gobolka sool.
Hadaba Qaraxaasi oo ahaa mid wayn waxaa tagay goobtii Qaraxu
uu ka dhacay wariyey axmed cali faarax oo isagu soo arkay
goobtii Qaraxu ka dhacay iyo waliba gaadhii lala beegsaday
Qarax miino oo la dhigay albaabka hore ee guriga gudoomiyaha
gobolka sool.
Dhinaca kale wasiiro ka socda Maamulka Somaliland oo ay
kamid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo wasiirka
Gaashaandhiga ayaa maanta gaadhay magaalada laascaanood
waxaana wasiiradaasi sida wararka aanu ku helay maanta kulan
dheer kula Qaateen Hotel xamdi wasiiro ka socday Somaliland
oo horay magaaladaasi u joogay lama oga waxyaabaha wasiirada
Somaliland ee laascaanood ku sugani ka wada hadlayaan.
Cali Dhagjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |