shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cismaan Macalin Faarax (Suxufi) oo Caawa Kooxo hubaysani Laascaaod ku Dileen.

(Laascaanod,  January  15,  2010 Ceegaag Online)

Wararka hada naga soo gaadhay magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Caawa fiidkii magaaladasi lagu dilay Cismaan Macalin Faarax (Suxufi) oo ahaa nin siwayn looga yaqaanay magaalada Laascaanood hadaba shabakada Ceegaag Online oo Daqiiqado ka hor la Xidhiidhay magaalada laascaanood ayaa goob joogayaal kusugan magaaladaasi u xaqjjiyeen  dilka ALLE ha u naxariistee Cismaan Macalim Faarax (Suxufi).
 
Marxuunkani ayaa Caawa lagu dilay agagaarka gurigiisa Xili uu ka Soo baxay Masaajidka Nuur oo kamid ah Masaajidada magaalada Laascaanood isagoo kusoo tukaday salaadii Cishe ee Caawa tafsiirkana ku soo gadhaystay.
 
Lama oga ilaa iyo hada sababaha keenay dilka marxuun Cismaan macalin faarax (suxufi) iyo Cida ka danbaysa dilka markuunka sidoo kale guud ahaan waxaa istaagay dhaq dhaqaaqa magaalada Laascaaanood iyadoon Wali la ogayn cida dishay waxaana socda baadhitaan xoogan oo ay wadaa Ciidamada halkaasi ku sugan.

Cismaan ayaa ka mid ahaa saraakiishii qaranka Soomaaliya, iyada oo cidii ay ku cadaato dilka Marxuumkan cadaalada la hor gayndoono looguna tagi doono meelkasta oo ay joogaan dalka gudihiisa iyo dibadsiisaba.
 
Dilka warkan oo faahfaahsan kala soco Ceegaag Online.

Dhamaan Qoyska Reer Xaaji Cali Cilmi, gudo iyo dibadba waxay tacsi gaarsiinayaan dhamaan Reer Macalin Faarax meelkasta ay joogaan anagoo uga  tacsiyeyneyna dilka waxashnimada leh ee loo geystay ALLE ha u naxariistee Suxufi Macalin Faarax waxaan ilaahay uga baryanaa Marxuumka inuu janadii fardawsa ka waraabiyo inagana samir iyo iimaan inaga wadasiiyo. Aamiin

www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com