shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

BANDHIG BUUG SOOMAALIYEED

(Virginia, USA  January  01,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa dhawaan, 26dii & 27kii Diisembar 2009, lagu qabtay magaalada Falls Church ee Virginia Bandhigga Buugaagta Soomaliyeed.  Waxaa halkaas lagu soo muujiyay buugaagta ay soo saareen qorayaasha Soomaliyeed oo ku nool dibedda Dalka. Waxaa goobtaa la keenay buugaag laga qoray  gabayada, heesaha, maahmaahda, sheekooyinka carruurta, taariikhda, diinta iyo in kale oo daboolay ilaa 140 mawduuc. Soomaalida ku nool Gobollada dariska ah sida Maryland, New Jersey iyo Washington D.C. ayaa si fiican u soo boogday bandhigga isagoo qof waliba xulanayay buugaagta uu daneynayay.

Dadkiii halkaa yimid waxay kulligood aad u ammaaneen dadaalka ay muujiyeen qorayaasha Soomaaliyed oo isku taxallujiyay inay wax ku qoraan afka hooyo si ay u xafidmaan hiddaha iyo dhaqanka soomaliyeed, isla markaana u kobco afka hooyo. Waxaa sidoo kale aad loo mahad naqay maamulaha “SCANSOM PUBLISHERS” , Mohamed Sh. Hassan, hawsha qiimaha badan oo uu muddo dhowr iyo toban sano iska xil saaray awgeed sida: uruurinta, qoridda , madbacaynta iyo baahinta hantida dhaqan oo sii lumaysay. Warbixinta uu qoraagu bixiyey waxaa ka mid ahaa in tirada guud ee  ku saabsan buugta Soomaaliyeed ee la daabacay  15-20kii sano ee ugu dambeeyey ay gaarayso qiyaastii 210 buug oo kala duwan. Buugtaas waxaa badankood laga dalban karaa shirkadda (Scansom Publishers). Magaalooyinka kale ee Sannadkan 2009, shirkadda Scansom ku samaysay Bandhig buugeed waxaa kale oo ka mid ahaa magaalooyinka, Boston, Columbus Ohio, Minneapolis, Toronto, Helsinki, Liverpool iyo London ( UK).

Shirkadda Scansom waxay carruurta Soomaaliyeed eek u dhaqan dalalka dibedda u noqotay xaruntii ay ka heli lahaayeen buug iyo cajalado ay ka bartaan afkooda hooyo.

Isla markaa intii bandhiggu socday waxaa la meel mariyay dood dhex martay dadkii ka soo qayb galay. Dooaddaasi waxay ku saabsanayd laba qodob oo kala ah:

1.     Sidii loo xafidii lahaa, loona horumarin lahaa afka soomaliyeed:

2.     Siday ugu suurageli inay dalkii ku laabtaan inta doonaysa, maxaase hortaagan? Isla markaa inta aan damacsanayn inay wakhtiga dhow laabtaan sideebay, ayagana, ugu suurageli inay si tayo leh uga dhex muuqdaan mujtamacyada ay ku nool yihiin, si ay naftooda iyo dalkoda hooyo waxtar ugu noqdaan mustaqbalka.

Aragtidii kala duwanayd oo dooddaas ka soo baxday waxaa dhawaan lagu soo baahin doonaa qaybaha warfaafinta soomaalida.  Dadweynha Soomalaiyeed ee k u dhaqan Gobolka Virgina waxay codsadeen in barnaamajka la joogteeyo oo sannadkiiba hal la qabto. Ciddii u baahata buugtaas kor xusan waxay ka dalban karaan shabakadda www.scansom.com ama la xiriiri karaan maktabadaa degaankooda si ay ugu dalabto.

Daawo Sawiradii Buug Bandhigeedka

Maxamad I. Osman
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com