Gudoomiyihii ururka isku
xirka ardayda soomaaliyeed C/llaahi Mahdi ( Sayidka ) oo
koox hubaysani Boosaaso ku dileen
(Boosaaso,
January 31, 2010 Ceegaag Online)
Allaha u naxariistee waxaa habeenimadii Xalayto magaalada
Boosaaso koox hubaysani oo wajiyayada soo duubtay ay ku
dileen Gudoomiyihii ururka isku xirka ardayda soomaaliyeed
C/llaahi Mahdi ( Sayidka ) oo si Wayn looga yiqiinay guud
ahaan deegaamada Puntlan.
Ilaa iyo haatan lama xaqiijin cida dilka u geesatay
gudoomiyaha SSCO Sayidka waxaana maanta markiiba dilkaasi
Canbaareeyey Guud ahaanba Bulshada Qaybaheeda kala duwan oo
kunool magaalada Boosaaso.
Marxuum C/laahi Mahdi Xasan ayaa waxaa uu ka mid ahaa
dhalinyarada ama dadka sida weyn ugu heelan nabada una
ololeeya isagoo ka qeyb qaatay qorshoyaal badan oo nabada
lagu ololeynayay
Ugu danbayntii isbuucyo ka hor ayay ahayd kolkii loo
magacaabay gudoomiyaha dalada Dhalinyarada Puntland
magacaabistaas oo ka dhacday xarunta madaxtooyada puntland
ee Magaalada boosaaso halkaasoo ay ka socotay kulan looga
arinsanayay nabada puntland.
Amaanka Guud ee gobolada Puntland ayaa gabi ahaantiis faraha
ka baxay waxaana fadhiid noqday laamaha amaanka puntland oo
hada lagu dhalii layo amaandarada taala gudaha magaalooyinka
puntland iyo Dilka Qorshaysan ee gobolada puntland ka dhacay
iyo Qaraxyada lala eeganayo masuuliyiinta Puntland.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |