Kulan looga hadlay Dilkii
Marxuun(Suxufi) oo maanta Ceegaag ka dhacay, iyo marxuumka
oo maanta lagu aasay Laascaanood.
(Ceegaag,
January 16, 2010 Ceegaag Online)
Kadib markii habeenimadii
Xalayto magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool kooxo
hubaysani ay ku Dileen Marxuun Cismaan Macalin Faarax (Suxufi)
ayaa dhinaca kale waxaa dilkaasi kadib degmada Ceegaag
Maanta ka dhacay Shir balaadhan oo ay soo Xaadireen dhamaan
Cuqaayasha iyo waxgaradka degmada Ceegaag.
Kulankaasi ayaa maanta waxaa looga hadlayey Dilkii xalayto
magaalada Laascaanood loogu gaystay Alle
ha u naxariistee Suxufi waxaana dilkaasi lagu tilmaaday mid
xaqdaro ah waxaana waxgaradku tacsi ugu direen dhamaan
Qoyskii uu ka geeriyooday marxuun Cisman macalin faaraxa.
Qaarkamid ah cuqaasha degmada Ceegaag oo
maanta la hadlay Ceegaag Online ayaa sheegay inay Dilkaasi
canbaaraynayaan cidii gaystay oo aan wali la garanahayn
waxaana lagu tilmaamay dil xaqdaro ah oo ka fog shareecada
Islamka.
Dhinaca kale wararka naga soo gaadhay
magaalada Laascaanood ayaa sheegay in Maanta la aasay
marxuunkii xalay magaaladaasi lagu dilay waxana aaskiisa ka
soo qayb galay dhamaan bulshada reer Laascaanood oo ay ugu
horeeyaan Culumada diinta waxgaradka, ganacsatada haweenka
dhaliyada iyo Qaybaha kale duwan ee Bulshada magaalada
Laascaanod.
Ceegaag Online oo si toos ah ula
Xidhiidhay Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka Geeriyooday marxuun
Cismaan Macalin Faarax ayaa u sheegay inaanay jirin wali cid
loo Qaybtay dilkiisa loona tuhunsan yahay waxaana socda
baadhitaan xoogan oo ay Wadaan ciidamada amaanka ee iyagu
magaaladaas gacanta ku haya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |