shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dablay Hubaysani oo Xalay weerar ku Qaaday Gaadiid laga leeyahay buuhoodle kuna dilay Hal Ruux iyo taliyaha Qabta magaalada Qardho oo Ceegaag Online waysi siiyey

(Waaciye,  January  31,  2010 Ceegaag Online)

Wararsigii Taliyaha Qaybta ee G/karkaar Gaashaanle sare Cali Ciise Dhagayso Dhagayso

Taliyaha Qaybta G/karkaar ayaa Ceegaag Online maanta ugu Waramaya dablay hubaysan oo habeenimadii xalayto weerar ku Qaaday gaadiid ka soo baxay magaalada Boosaaso kuna soo jeeday magaalada Buuhoodle oo dablaydaasi xalay gaadiidkaasi weerar ku Qaatay kuna dilay Marxuun ayaanle Maxamed Sugule oo ahaa nin dhalinyaro ah oo guud ahaan gobolada puntland siwayn looga yaqaanay.
 
Taliyaha Qaybta ee G/karkaar Gaashaanle sare Cali Ciise Baab ayaana maanta Ceegaag Online taleefoonka kula Xidhiidhay isagoo ku sugan tuulada waaciyey oo katirasn magaalada Qardho waxaaa Ceegaag Online waysiisay inuu faah faahin naga siiyo sida uu xalay dagaalku u dhexmaray kooxda dablayda ah iyo ragii waday gaadiidka u socday magaalada buuhoodle oo dagaal xoogan dhexmaray.
 
Dhinaca kale saleebaan kilwe shire oo kamid ahaa wadayaashii gaadiidka ayaa Ceegaag Online taleefoonkua kula Xidhiidhay isagoo ku sugan tuulada waaciyey Ceegaag Online ayaana waysiisay sida uu dagaalku ku Qabsaday?
 
Saleebaan kilwe shire ayaana waraysigani ceegaag onilne faah faahin kaga bixinaya sabaha gaadiidka waday xamuulka dagaalka loogu Qaaday looga dilay Marxuun ayaanle maxamed sugule.Dhagayso
 
Weerarkani habeenidii xalayto lagu Qaaday gaadiidka ka soo baxay magaalada boosaaso kuna soo jeeday magaalada buuhoodle ayaa daba socday kadib markii dhawaanta Maxkamada magaalada Boosaaso Dil ku xukuntay Marxuunkii dilay Xidhibaan Maxamed cabdi jirbiil bartamihii bishan kuna dilay Xildhibaanka magaalada Boosaaso waxana xalay weerarka ku Qaaday gaadiidkani iyagoo markale dil u gaystay isla beeshii uu ka soo jeeday marxuun Xildhibaan Maxamed cabdi jirbiil.
 
Dilkaasi markii saaka dadwaynaha SSC Kunool ay maqleen ayaa guud siwayn looga xumaaday waxaana Waxgaradka iswaytiinahaa sabaha keenay dilka kale oo maanta lagu weeraray gaadiidka laga leeyahay magaalada Buuhoodle
 
Cali Dhagjar
Ceegaag Online
Buhodle

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com