DHAAWACA CADAALADA IYO
DHEELLIGA UMADDA.
(Soomaaliya,
January 30, 2010 Ceegaag Online)
Waxaan laba isku khilaafsanayn,
damiir kasta oo xumaha ka damqadaana diidaa, nafkasta oo xor
ahina ka biya-diidaa waxyaalo badan oo aadanaha
hagardaamoyin iyo daannooyin ku ah, hadii lagula kacona uu
madan yahay garna u leeyahay inuu iska dalfiyo isagoo ka
turjumaya dareenkiisa xorta ah iyo doonitaanka naftiisa,
sababtoo ah nafta waxaa ku sidkan ayna u hilawdaa sinaanta,
cadaalada, sharaf ku wada noolaanshaha bulshooyinka hadba
intii ood-wadaag ah, isir wadaag ah, amaba af-wadaag ah.
Waxaa kaloo dareenka qofka
damiirka cafimadka qabaa ku jiro ka dhiidhiyaa kana
gilgishaa eexda, qabyaalada, cadaalad la’aanta, nin tooxsiga,
qabka beenta ah iyo qof gaar ah jeclaysiga,.
Dhammaan waxyaalahani waa waa
cuduro iyo calaafaad ummadaha ay haleelaan ku hoobiya
haadaamaha burburka, qaran jabka, dibdhaca nololeed, iyo
kala daadashada bulshadeed, waxaa suurta gal ah qofka isagu
ku kacaya arimaha caynkan oo kale ah inuu sed bursi ku helo,
qurus aanu lahayna qalad u qaato, isagoo markaaasi aan
dareen sanayn inuu siibayo tiirarkii iyo udub dhexaadkii
bulshadu ku taagnayd la’aantoodna aanay ba jiri Karin.
Qofkaasi waxaa suurta gal ah in
wacyigiisa aqooneed iyo waayihiisa garasho ka gaabatay
fahanka iyo biya dhaca midhaha boolliga ah ee uu guranayo,
wuxuuse miiraabaa miyirkuna kusoo laabtaa markay kusoo
dhacdo dhaxanta iyo dabaylaha kasoo dhacaya dalooladii uu
isagu gacantiisa ku baneeyey iyo doc faruurkii uu dadkiisa
kula kacay, waase goorma waa goor xeedhiyo fandhaal kala
dheceen oo la kala dalway, isagoo aad moodo in maskaxdiisa
qaybta xusuusta ay kusoo noq-noqonayso maahmaahdii ahayd (
dhubuq- dhubuq hore dhabana hays danbe ayey leedahay).
Goor aan wax laga qaban karayn ha ila soo qaadin.
Dhanka kale hadiiba ay dhacdo
qayb xumo iyo qalad dhanka saamiga ah, habkii ay ku
haboonayd in wax loo saanyado hadii la gacan-bidixeeyo,
waxaa imanaysa in dadkii qaybtu dhextaalay qaarkood
laba-eefaan, qaybtiisii iyo mid qofkaleba inay jeebkiisa ku
dhacdo, taasina waxay horseedaa in ummadaasi hilimada
halaaga iyo hoobaanaha leel-leelka cagta saarto, kuna hoyado
hadimooyin laga yaabo inaanay weligeedba kasoo waaqsan, sida
tii inagu habsatay 1991 ee ina hafisay ilaa hadana aynu ka
samata bixi kari la’nahay, iyadoo mawjadaha dhiilada
xambaarsani noqdeen kuwo dubaaqa somalida deegaamaystay,
daqiiqad daqiiqadna usoo dawiya farriimo midiba midda kale u
dayrisay kana sii daran tahay dakharraday qalbiga
gaadhsiinayaana aan laga geyoon Karin.
Malahayga waxaa habboon inaan
diirka ka qaado dulucda hadalkayga iyo meeshay daarrantahay
arartaydaas hore, waxaana ku hanwaynahay inaan si hagar
baxan xaqiiqada u taabto iyadoo weliba ka fog xamaasad iyo
caadifad laab la kac ah iyo hadal aan runtu hogaaminayn,
xaqiiqda jirtaana horseed ka ahayn, si’aan tusaale wax ku
ool ah kugu keeno dhibaatooyinka aan tilmaamay waxaan rabaa
inaan maskaxda akhristaha u duuliyo woqoyi-bari
Somali(puntland), halkaas waxaan kaa hoga-tusaalayn karaa
cuduradaas aan sheegay waa meel runtii ay si baaxad leh ugu
baahsan yihiin, markaan tilmaamona markhaantiga kowaad
adigaa noqon doona waase hadii aad tahay qof cadaalada iyo
garsoorku anay mugdi kaga jirin, kana madhan qabyaalada iyo
qola-jacaylka, hadiise aad tahay ruux la tabaalaysan
cuduradaas dadka aan la hadlayo kuma jirtid.
Maamulka ka dhisaalaysan
goboladaas isaga iyo kuwa kaloo badaniba waxay ka mid yihiin
raadkii qaran-burburkii reebay markii maamulkii dhexe ee
miiganaa meesha ka baxay,waatii cidwaliba guntiga dhiisha
iskaga dhigtay kuna dhaqaaqday inay madax ciida ka
ceshato,ebyatona maamul ay gabbaad sadaan, kagana gabbadaan
duufaanadii dalka maansheeyey darxumadana dhaxal-siiyey.
Maamulo yaryar oo wayd ah baa la
amaamuday laguna sar-gooyey ood iyo isir beeleed,maamulka
puntland ka dib markii la ahaysiiyey, dadkii aga-joogey
meesha maamulka laga sameyey way ku nasteen wayna ku
nafiseen, waayo waxyaalo badan oo nolosha aasaas u ah
aanayna awel ku naaloon jirin sida nabbada iyo kala
danbaynta ayaa dib usoo noolaaday inkastoo mar walba booskii
qaran buuxin jiray banaanaa baahiduna aanay dabar go’in.
Intii maamulku jiray waxaa jiray
fursado badan oo qaar goboladas ka mid ahi ka faa’iidaysteen
mashaariic horu-marineedna (development projects). Laga
hirgeliyey halka gobolada qaarna ka qatanaayeen, hadaba
inkastoo aan la garan Karin cadaaladda caynkaas ah waxa la
cuskiyey iyo qaabka loo jaan-gooyey iyo qorshahay ku
salaysan tahay midna hadana waa xaqiiq biyo-kama dhibcaan ah
dhammaana dadku mid dhowaa iyo mid dheeraaba ay sheeda kala
socdeen.
Bulshaweyntu waxay filanaysay in
si siman loo gaadhsiin doono wixii taakulo ah ee maamulka
gacantiisa soo gala si looga tiiriyo meelahay tawsta ka
dareemayeen sida hirgelin gobo cafimad, kuwo waxbarasho,
dayac-tir lagu sameeyo toobiya-yaasha burburay ama kuwa u
baahan in hadda la hagaajiyo, dadku markay arkeen in awrku
dhinac ka raran yahayna qaar badan ayaa candhuuftoodii dib u
liqay kalsoonidii ay maamulka siiyeena daadka raaciyey.
Iyadoo in badan soo laalaabatay
eexda iyo awr dhinac ka raridda maamulkaas ayaa hadana malaa
waxaa la dhihi karaa waxaa ugu fool-xumayd uguna anfariir
iyo amankaag badnayd middii ugu danbaysay “ mayd kee ugu
danbeeyey” kaas lasii sido”.
Maalintii (arbacada 20-1-2010)
waxaa GOROWE lagu soo geba-gebeeyey shir weyne u dhexeeyey
maamulka puntland iyo haayadaha qaramada miboobay iyo
bangiga adduunka, maamulku wuxu la saxiixday in mashaariic
waaweyn laga hirgeliyo deeganadaas “agowna nimankii awrka
dhinaca ka rari jiray halkoodii bay ka miisayaane”.
Mashaariicdani waa kuwii ugu
waaweynaa uguna badnaa ee abid halmar laga hirgelin donaa
gobolkaas. Waxayna kala yihiin:
-
Dib
u dhis lagu sameeyo dekeda bosaso.
-
Dayac-tir lagu sameeyo wadada isku xidha gorowe iyo
galkacyo.
-
Dib
u dhis lagu sameeyo gegida diyaaradaha ee galkacyo.
Yaa salaam waa qayb iyo qorshe
cadaalada ka qaawan, anshaxa suuban iyo ixtiraamkana ka
arradan, dhexdhexaadnimada iyo wax-wada dheefsigana ka dhar
la’ boqolkiiba boqol maskaxdii qorshaysay qaabkay u
fekeraysay wax la fahmi karo maaha, waxaase lagu fasiri
karaa aragti gaabnida gadh-wadeenada iyo horjoogayaasha
maamulkaas iyaga iyo cadaaladu meeshay kala taagan yihiin.]
Saddexdan mashruuc waa kuwo
dhaxal gal ah, saddexdii gobol ee ugu roonaa ayaana lagu sii
naash-naashay, mashruuca gorowe laga qaaday ee garoonka
galkacyo la geeyey, iyadoo xaq u leh galkacyo horumarinta,
hadana miyaanay ka haboonayn, taleex gorowe 90km, bay u
jirtaa waddo ma leh waa buuro iyo raf baxaa deg ah, baahida
dadku waddo u qabo way ka badan tahay tan garoonka
diyaaradaha ee galkacyo loo qabo, waayo waa garoon hadaba
sheqeeya hawlihiisuna si habsami leh u socdaan. Diyaarada
qaadka sida gegida ay caga-dhigato iyo waddada baahida
dhabta ah ee dadku ku tiirsan tahay iyamaa mudan!! Taasi waa
cayn wareeg cadaaladii puntland curyaamiyey cawaaqib
xumadeedana aan la dhayalsan Karin.
Badhan waa magaalo dhacda meel
raf ah oo aan lahayn waddo hallaasi ah, dabcan meeshas oo
kale waxay xidhiidh joogta ah la leedahay marsooyinka ay wax
kasoo degaan, nolosha dadku waxay cuskantahay waxa baabuurtu
keento, badhani laamiga waxay u jrtaa 90km qiyaastii waa
baahi dhab ah oo dhugasho u baahan, toobiyaha rafka ah hadii
laga hagaajiyo wax weyn bay u tari lahayd bulshada halkasi
ku nool, keligeedna maahee degaanada ku xeeran oo dhan
baahidaasi waa jirtaa, hadday noqoto dhanka ceelasha,
caafimadka waxbarashada, intaba.
Buuhoodle iyo degaanada hoos
yimaada waa dhul hawd ah, baahida lafa-jebiska ahna waa
dhanka biyaha iyo ceelasha, riigag loo qodo intaba way u
baahan yihiin, waxaa jira magaalooyin badan oo hawdka ah
kana dhutinaya dhanka kaabayaasha nolosha iyo
hal-bawlayaasha jiritaanka aadanaha, waxbarasho, cafimaad,
waa baahi wax daboolla la’.
Goldogob waa degmo gobolka mudug
ah baahideeda kowaad waa waddo sidaan ognahay wadadii isku
xidhi jirtay iyada iyo gaalkacyo waa xidhan tahay muddo 20
sanno ah, sababtuna waxay tahay waagii dagaaladda sokeeye
socdeen jabhaduna wadanka walaaqayeen ayaa miinooyin iyo
walxaha qaraxa lagu aasay, hada waxa la maraa waddo kale oo
dani ku tidhi ah, mashruuc miino-baar ah bay rabi lahayd
arintuse waa qaybtii “dawacada”.
Sidaan ognahay maamulkaasi
waayadan danbe amnigiisii farahuuka baxay wuuna ruxmayaa,
dabaylo colaadeed iyo saxan-saxo kala yaac baa la dareemayaa,
waziraa la laayey, xildhibaanadu ka daran, masuuliyiinta
kale oo la makalayna waa badan yihiin.
Dhibtaas jirta haddana waxaa
lagu biiriyey tan eexda iyo anshax xumada ah waxaad moodaa
burburkii inuu soo yare daahay oo lasoo dedejinayo , hadiiba
ninkii wax badbaadin lahaa isagu dabkii ummadu ku guban
lahayd afuufayo xagee loo ciirsan “ruqo ninkii lahaa dabada
hayo goormay kici”.
WAZIIRKA IYO WARAYSIGA.
Cadaalad darrada puntland ka
hana-qaaday awelba dad bani waa u tooghayaye, arintu waxay
ahayd maantana maxay fali, waxaase cidna ka daadegi wayday
dadkiina cunaha u dhaafi wayday, waraysigi uu bixiyey FARAX
DHALAC, wasiirka qorshaynta iyo xidhidhka calamiga ah ee puntland.
Ka dib markii shirkaasi
dhamaaday wuxu saxaafada usheegay midha-dhalkii shirka,
isagoo aad carrabka ugu adkeeyey mashaariicda waaweyn ee wax
ku oolka ah ee loo ogolaaday, waxaase ilaa hada anigu aanan
fahmin markii ninkaasi gobolkuu ka yimi laga qadiyey wixii
adduunku ugu deeqay, isaguna uu yahay ninkii dadku soo
dirsaday, ee iyaga magacooda iyo maamuuskooda meesha ku yimi
waxa ku dhaliyey inuu sharaxo horumar gobol kale gaadhey,
waxaad moodaa inay la waynaatay ka hadalka laanta afka
somaliga ee BBC-da, isagoo haba yaraatee aan dareensanayn
daleeshuu fadhiyo iyo dib dhaca uu isagu horseedka ka yahay.,
“ anigu qadaye adiga aan kula qoslo weeyaan xaalku”.
Waxay arintaasi kugu qasbaysaa
inaad xasuusato, hab dhaqanka xayawaanka GORAYADA, waxay
caan ku tahay gorayadu, ‘ ugxanteeda waxay dhigtaa meel
cidla’ah oo banaan wayna ka dhaqaajisaa, meel kale ayey
waxay ku aragtaa ugxan gorayo kale dhigatay ka dibna way
baal-gelisaa xanaano hagar la’aan ahna way u fidisaa
ugxantaas qalaad”.
Arimahas markaad rog-rogto waxaa
kuuso baxaya weedhan ah “awrkani dhinac buu ka raran yahaye
hadmuu dheelliyi.
Dhinac keliya awr laga raraa
dheelli waw halise.
Bulshadaa u dhaawacan anaa
dhuunyan keligay’e.
Dhayda iyo xuukada anaa dheefsan
oo cuniye.
Adna dhaqayadiyo gaanahaad
dheelmin oo jiriye.
Dhitada iyo caanahana waan kaaga
dhawnahaye.
Meel cadaaladii dhooftay oo
xaqii la dhuun-gooyey.
dheeftiyo wax wada qaybsigii dheelli baa galaye.
Dhug la’aanta iyo maanyaridu
waydin dhibayaane.
W/Q: Aadan cige cali
EMAIL:
softhair05@hotmail.com
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |