shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qarax nooca ramuudka laga hogo ah ayaa abaarihii 3:30 daqiiqo galabnim lala eegtay gaari uu leeyahay madaxweynaha Maamulka Galmudug.

(Gaalkacayo,  January  11,  2010 Ceegaag Online)

Ilaa hada wax khasaare nafeed ah oo uu gaysatay ma jiro qaraxaan ma jirto marka laga reebo burbur uu u gaystay guryo ka agdwayaa halka u uqaraxu ka dahacay.
 
 
qaraxan ayaa ilaa hada aan la garan cida ka dambeysey waxaana sida la xaqiijiyay uu dhacay kadib markii uu si xooga ku dhaafay gaari uu leeyahay Madaxweynaha Galmudug Col. Moxamed Axmed Caalin.
Ma ahan markii ugu horeysay ee qarax noocaan ahi ka dhoco koofurta Magaalada Gaalkacyo ee ay Maamusho Galmudug, waxaana jiray qaraxyo noocaan ah in lala beegsaday masuuliyiinta Galmudug oo uu ku jiro madaxwayne caalin
 
Guud ahaanba amaanka magaalada Gaalkacyo dhinacyada koonfurta iyo Waqooyiga ayaa amaankooda aad looga dayrinaya waxana jira dadaal xoogan oo ay Wadaan masuuliyiinka dhinaca galmudug iyo dhinaca puntland oo amaanka wax looga Qabanayey
 
Galabta markii Qaraxu dhacay Ceegaag online oo Si toos ah ula Xidhiidhay masuuliyiin katirsan galmudug ayaa u Sheegay inay Wadaan baadhitaan xoogan oo lagu wado Cidii ka danbaysay Qaraxii lagu doonayey in lagu khaarajiyo madaxwaynaha galmudug

www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com