Wasiiro Maamulka Somaliland
ka socda oo gaadhay Hol Hol
(HolHol,
January 25, 2010 Ceegaag Online)
Waxaa maant magaalada
Laascaanood ee xarunta gobolka Sool gaadhay wafti wasiiro
iyo xildhbaano ka soo jeeda magaalada Laascaanood, oo ka soo
kicitimay magalada Hargaysa, waxaana maanta waftigaasi
markii ay gaadheen magaalada Laascaanood ku haka deen gudaha
magaalada Laascaanood kadibana magaaladaasi markiiba uga
ambobaxeen dhinaca HolHol.
Ceegaag Online ayaa heshay in waftigaasi u gudbeen dhinaca
deegaanka Hol_Hol waxna waftigani ka socda dhinaca
Somaliland ay ka kooban yihiin sida ay heshay Ceegaag Online
wasiiro wasiiro kuxigeeno.xildhibaano iyo siyaasi ka soo
jeeda deegaanada SSC.
Wasiirka cadaalada Somaliland Axmed Cali Casoobe
Wasiirkugeenka hawlaha guud C/risaaq Cawil Bacaluul
Wasiirkuxigeenka arimaha gudaha Somaliland
Wasiirkuxigeenka kalluumaysiga somaliland
Gudoomiyey kuxigeenka baarlaamanka Baashe Maxamed Cadde
Xildhbaan Maxamuud Garaad maxamed(qawdhagayste)
Xildhibaan Dhakool
Waxaana sida Ceegaag Online heshay waftigani la socda xubno
kale oo wasiira ah oo ka soo jeeda dhinaca Qabiil ahaan
Burco iyo Hargaysa. waxaana socdaalkani waftigani
Somaliland ka socda lagu sheegay inay wada hadal la soo
yeeshaan Isimada SSC ee kusugan deegaanka Hol Hol walina ma
cada sida ay wararkii ugu danbeeyey sheegayaan in isimada
SSC inay waftigani la kulmi doonaan waftigan reer
Somaliland.
wixii warar ah kala soco shabakadan Ceegaag.com
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |