Kulan looga hadlay tacadiya
iyo tahriibka dadka loo Gaysto oo Buuhoodle lagu Qaybtay
(Buuhoodle,
January 02, 2010 Ceegaag Online)
Dhagayso Hadaladii gudoomiyaha
ahna duqa magaalada Buuhoodle Xuseen Dacwi
Dhagayso
Dhagyaso Masuulka
Haayada C.Faarax
Dhagayso
Waxaa Maanta Magaalada Buuhoodle lagu Qaybtay kulan
balaadhan oo looga hadlay xaquuqda aadanaha iyo taciyada loo
gaysto dadka ka soo Jeeda koonfurta somalia iyo Waliba dadka
la adoonsado Waxaana kulan kaasi soo Qaban Qaabiyey NGO
UNGAM oo Saldhigeesu yahay magaalada Boosaaso ee Xarunta
gobolka bari.
Aqoonsi iswaydaarsigani Waxaa maanta furau gudoomiyaha
degmada buuhoodle Xuseen dacwi ducaale waxaan ka soo Qayb
galay masuuliyiinka ka socotay NGO UNGAM iyo dhamaan
saraakiisha Ciidamada cuqaasha iyo dadwayne aad u farabadan
Waxaana halkaasi ka hadlay madaxd NGO UNGAM C/faarax oo
sharaxaad dheerka bixiyey Qaabka looga hortagi karo
tahriibka dadka la tahriibiyo
Waxaana kulankaasi laga soo Jeediyey Qaabka ugu haboon ee
looga hortagi karo tacadiyada iyo tahriibka Qofka meel kale
loo tahriibiyo kadibna lagu sameeyo xadgudub waxana maanta
kulankaasi laga soo Jeediyey khubado farabadan iyo aqoon
iswaydaarsi
Cali dhagjar
Ceegaag Online
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |