Kulan looga hadlay Tacadiyada
loo geysto Haweenka iyo Tahriibta oo lagu Qaybtay Degmada
WidhWidh.
(Widhwidh,
January 03, 2010 Ceegaag Online)
Waxaa
Munaasabad Balaadhan oo Siwayn Loo Soo Agaasimay lagu
Qaybtay Degmada Widh Widh oo kamid ah degmooyinka Hoos
Yimaada Gobolka Cayn, Waxaana Musaabadaasi looga hadlay
tacadiyada loo Gaysto Haweenka iyo dadka ka Soo barakacay
koonfurta Somalia ee kunool gobolka Cayn iyo Xaquuda
aadanaha.
Waxaana Xafladaasi ka Soo Qayb galay dhamaan Cuqaasha
waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada Waxaana kulankaasi
looga hadlayey Qaabka looga hortagi karo tahriibka dadka la
tahriibiyo iyo Qaabka ugu haboon ee laysaga kaashan karo.
Waxaana
kulankaasi Doodo farabadan ka Soo Jeediyey Waxgaradka
degmada Widh Widh oo uu kamid ahaa Caaqil C/laahi Maxamed
Dheeg iyo Waxgaradka kale Waxaana ay sheegeen Waxgaradkani
inay ka hortagi jireen Dhibaatooyinka horayba ayna iminkana
Diyaar u yihiin inay ka hortagaan.
Kulanka lagu Qaybtay degmada Widh Widh ayaa daba joogay
kulan Maalintii shalayto lagu Qabtay magaalada Buuhoodle
Waxaana isla kulankaasi looga hadlay sidii looga hortagi
ahaa dadka la tahriibiyo iyo Xaquuqdooda.
Daawo Sawiradda
Cali Osman
Yuusuf
calidhagjar@hotmail.com
Widh Widh
webmaster@ceegaag.com |