Madaxa Xarunta Horumarinta
Caafimaadka ee Magaalada Gaalkacyo oo ka warbixiyay
waxyaabaha ay xarunta qabato (Sawirro).
(Gaalkacayo,
January 15, 2010 Ceegaag Online)
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka
Mudug waa Magaalo ku taala bartamaha dalka Soomaaliya waa
Magaalo kala barta Gobolada dalka Soomaaliya,waxaa soo gala
laba wado oo isku xira Magaalada Bosaaso iyo Muqdisho waa
Magaalo ay ku nool yihiin dad kala duwan oo ka soo kala
jeeda Gobolada Dalka Soomaaliya kuwaa oo siyaaba kala duwan
uga ganacsada.
Dadka ku
dhaqan Magaalada Gaalkacyo waa dad aad u jecel sidii hor mar
degaanka loogu samayn lahaa waxana dadka ku dhaqan ay yihiin
kuwa si isku mid ah kugu sheegaya xiliyada aad waraysato
sida ay muhiim u tahay in la helo horumar dhinac waliba ah
si loo hormariyo Magaalada maadaama ay tahay mid isku xirta
Gobolada dhexe ee dalka Soomaliya.
Hadaba
iyadoo ay jiraan waxyaabaha oo idil ayaa hadana marka aad u
kuurgasho waxaa ku soo baxayo in ay jiraan waxyaaba badan oo
u baahan in wax laga qabto waxaana jira in Magaalada ay
tahay mid aad ugu yar yihiin goobaha caafimaadka
waxbarashada aas saasiga ah sida jaamacadaha marka laga
reebo jaamacado yar yar oo aan sidaa u badnayn laakiin
arinta ugu daran ee dadka ku dhaqan Gobolka ay tahay in ay
helaan ayaa ah gooba caafimaad.
Magaalada Gaalkacyo waa magaalo weyn hasa ahaatee ay ku
yaalan laba cisbitaal oo ah kuwa loogu tala galay bulshada
ku dhaqan in wax loogu qabto balse nasiib daro labadan
cisbitaal oo midna ku yaalo koofurta Magaalada midna ku yaal
waqooyiga ayaa labaduba wax ay yihiin kuwa aysan oo lin
qalabyadii logu talagalay in wax loogu qabto bulshada
Hase
ahaatee iyadoo ay jiraan dhibaatooyinkaa oo idil ayaa hadana
waxaa jira cisbitaalo gaar loo leeyahay kuwaa oo ay aas
aaseen aqoon yahano reer Puntland ah kuwaa oo dalka
dibadiisa wax ku soo bartay waxana cisbitaalada ka mid ah
Xarunta caafimaadka Gaalkacyo oo loo soo gaabiyo GMC .
C/qaadir
Maxamuud Jaamac oo loo yaqaano Dr Dhegacade waxa uu ka mid
yahay Dadka dalka dibadiis wax ku soo bartay waana madaxa
cisbitaalkaa GMC.Weriyaha Horseed Media ee Magaalada Garoowe
C.M.M “Ilkacase” ayaa dhowaan Socdaal ku tegay magaalada
Gaalkacyo,waxaana ula yeeshay Wareysiga.
Dhegacade: Xaruntaan waxa ay qabtaa waxyaaba badan sidii
qaliin lugu samayeyo dadka ay la soo dirsaan xaaladaha
qatarta ah, wax ay kaloo qabataa dawaynta cudurada haweenka.
Haweenka ay ku adkaato dhalmada oo qaliimo lugu sameeyo, iyo
noocyada qaliimada kala duwan, waxana xarunta runtii ay u
soo hirta dad farabadan oo ka kala yimaada Magaalooyinka
Garowe, Bosaaso Laascaanood iyo magaalooyinka kale oo
deegaanada Puntland, Gobalada dhexe ee dalka Soomaalia kamid
ah, xitaa qaar ayaa nooga yimaada Koofurta Soomliya.
HM:
Doctore cisbitaalka waa cisbitaal dad badan isugu yimaadaan
waana sida aad sheegtay xarun qabta waxyaba kala duwan ma
jiraan dhaqaatiir kale oo kaala howlgasha hadii ay jiraansa
imisay tira la egyihiin?
Dhegacade: Runtii ma jiraan dhaqaatiir kale hasa ahatee
waxaa jiray kulama kala duwan oo aan la qaatay dhaqaatir ka
howlgasha Magaalada Gaalkacyo waxaana ka wada hadalnay sidii
aan wax qabad rasmi ah loogu qaban laha dadka, waaana iga
aqbaleen inta badan waxyabihii aan u soo jeediyay xiligaa,
waxaa jira dhalinyara kale oo tababaro aan siinay, balse
runtii waxaa la oran karaa waa kuwa aad u dadaalay waayo
waxaa laga arkaa dadaalkooda sida cisbitaalka uu uga
hormarsan yahay cisbitalada kale ee Gobalada dalka.
HM:
Doctor ma noo sheegi kartaa qaybaha uu ka kooban yahay
cisbitaalka iyo shaqooyinka lagu qabto noocyada ay yihiin ?
Dhegacade: Haa, waan kuu sheegi karaa waxaa uu ka kooban
yahay dhoor qaybood:
A= qaybta
qaliinka,
B= qaybta shaybaarka,
C= qaybta dumarka lugu dhaliyo,
D= qaybta caruuta lugu xanaaneeyo xiliyad ay dhashaan, iyo
E= qayba kale sida qayba lugu ciyaaro kubada cagta oo ah
garoon aan hada dhismihiisa wadno iyo qayba kale oo ay dadka
soo booqda bukaanada ku nastaan.
HM:
Cisbitaalka dadka la keeno imisaa lugu qiyaasi karaa tira
ahaan maxaysa dadka yihiin ma dad u baahan baa in qaliimo
lugu sameeyo misa waa dad u baahan in la daaweeyo?
Dhegacade: Runtii dadka cisbitaalka la keenay sanadkaaan
waxa ay garayeen 2000 waxana dadkaa ay ahayeen kuwa u badan
qaliin 70%.
Waxaana
dadkaa ay dhamaantood ahaayeen kuwa aan ku guulaystay
mararka qaar waxaa dhacda in dadka ay buux dhaafiyaan
cisbitaalka maadama cisbitaalka sariiraha yaala ay yihiin 70
sariir.
Laakiin
dadkaa waxa la geeyaa gooba kale oo banaanka ah marka
walaahi wax badan ayaan u baahnahay in nagala caawiyo lahayn
hadii nagala caawin lahaa.
HM:
Waxaa soo hadal qaaday qayb logu talagalay in lugu ciyaaro
kubada cagta marka qaybtaa ma waxaa ugu talagasheen in ay ku
ciyaaraan dadka bukaanada ah ee cisbitalka jiifa misa waxaa
jira kooxa kale oo aad u qorshayseen?
Dhegacade: Runtii waa garoon wayn oo xitaa indhahaada ku
arki karto maahan mid cid si gooni ah u leedahay, hasa
ahaatee waxaan ugu talagalnay in ay ku ciyaaraan dadka
bukaanada ah iyo koox cisbitaalku leeyahay oo la yiraahdo
CMSET oo ah koox wayn oo laga aqoon sanyahay FiFA xariirka
kubada cagta ee GOS walina runtii dhismaha garoonka waa uu
socdaa waxaa sidoo kale dhisma ku wadnaa cisbitaalka qayba
ka mid ah sida qolal kalo oo aan rabno in aan ku soo
kordhino .
HM:
intee la egyahay xariirka kala dhaxeeya xaruntaan Wasaarada
Caafimaadka Puntland maadama uu yahay cisbitaal wayn oo si
wayn looga yaqaano deegaanada Puntland?
Dhegacade: Haa xariir wayn ayaa naga dhaxeeya wasaarada
caafimaadka inkastoo wasaarada aysan awoodeeda ahayn mid
sidaa u balaaran hadana wasiirka haatan waxa uu wadaa dadaal
marka xariirka nagala dhaxeeyaa waa mid aad u wanaagsan
hadana waxaan ka rajaynaa in uu sii xoogaysto.
HM: Ugu
danbayntii adoo ka faa’idaysanay shabakada Horseed Media oo
ah shabakad ay daalacadaan Jaaliyadaha Puntland ma jiraan
baaqyo aad u dirayso si ay gacan uga gaystaan balaarinta
xarunta oo ah xarunta keliya ee dadka deegaanka wax loogu
qabto?
Dhegacade: Waxaan baaq u dirayaa dhamaan jaaliyada reer
Puntland waxaan ugu baqayaa wax u qabta dadkiina waa muhiim
in aad ka fikirtaan hormarinta deegaankiina maxaa yeelay
hadaan la helin gooba caafimaad meelo dadka loogu adeego
waad dareemi kartaan sida xaalada noqon karto, marka waxaan
idiin rajaynayaa in aad ku tusaala qaadan doontaan baaqan
aan idiin soo diray.
Waxaana
u mahcelinayaa wariyahaasha oo kaalin wayn ka qaata gudbinta
xogaha jira oo runtii halkaan soo booqdaysi xarunta
xaaladeeda uu indha indheyan.
Xigasho:Horseed
webmaster@ceegaag.com |