Maxkamada G/Bari oo dil ah ku
xukuntay eedaysana-yaashii Dilay Xildhibaan Maxamed Cabdi
Jibriil.
(Boosaaso,
January 27, 2010 Ceegaag Online)
Waxaa
maanta Maxkamada Dajarada Koowaad ee Gobolka Bari la
horkeenay eedeysane C/naasir axmed cali (Awaare) oo lagu
eedeyey inuu geystay dilkii Xildhibaan Maxamed Cabdi
Jirbriil oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland kaasi oo lagu
dilay Xarun ganacsi oo ku lahaa Magaalada Boosaaso waxaana
Maxkamada ay ku xukuntay Dil toogasho ka dib markii maxkamadu
dhageysatay eedeynta Xeer ilaalinta.
Hadaba Ceegaag online ayaa taleefoonka magaalada Boosaaso
kula Xidhiidhay ganacsade Xuseen Cali xasan (Xuseen Somali)
oo kamid ah ganacsatada SSC oo Maanta goob joog ahaa
maxkamadu markay dhacaysay arimahaasina si gaar ah ula
socday, hadana wareysiga Halkan ka
Dhageyso
Dhinaca kale Waxaa maanta iyana la xukumay 3 nin oo lagu
eedeyey inay ka danbeeyeen Dilkii Gudoomiyihii hore ee
Maxakamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari Alle ha u
naxariistee Sheekh Maxamed Cabdi Awaare oo sannadkii Hore
dhamaadkiisa lagu dilay Magaalada Boosaaso.
Sadexda
nin oo maxkamada la hor keeenay ayaa kala ahaa Faysal Cali
Hiirad, Kamaal Rooble Yuusuf iyo Cali Cismaan Ardooyin ayaa
waxaa Maxkamadu ay dhageysatay eedeynta loo jeediyay ee kuu
aadan Dilka Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Boosaaso, Intaasi
ka dib ayaa gudoonka Maxkamada dhageysiga eedeynta
Eedeysanayaasha ka dib waxaa ay ku riday ragani xukuno kala
duwan kuwaasi oo loo xukumay Sidan
1. Faysal
Cali Hiirad oo ay xeer ilaalintu ku soo eedeysay in uu
geystay Dilka Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Maxamed
Cabdi Awaare ayay maxkamadu ku xukuntay Dil toogasho ah.
2. Kamaal
Rooble Yuuusuf, oo la sheegay in uu gacansiinayay
Eedeysanaha Dilka geystay lagu xukumay Xarig dhan 3-sano ,
3.
waxaana sidoo
kale maxkamadu ku xukuntay 10 sano oo Xarig ah Cali Cismaan
Ardooyin oo isagana lagu soo eedeeyay in uu wax ka ogaa
falka dilkaas.
Amaanka maxkamada
magaalada Boosaaso ayaa maanta aad loo adkeeyey waxaana la
dhigay Wadooyinka soo gala maxkamada magaalada boosaaso
Ciidamo dheeraad ah oo maanta amaanka sugayey.
Cali
Dhagjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |