Duulaan Maskaxeed
Ilaahay baa mahad oo dhan u sugnaatey, Nabadgalyo iyo
badbaado ha ahaato rasuulkiisa Muxamed CalayhiSalaam.
Intaas kadib,
Waxaan
rabaa inaan Qoraal ka sameeyo Dulaan maskaxeedka lagu
hayo Ummadda Muslimka ah meelkastey joogto, waxaan
jeclahay inay risaaladani noqoto mid faa'iidu ah u dadka
muslimka ah ee jecel difaaca diintooda iyo dalkooda
khaasatan dadka Soomaaliyeed ee la jaahwareeriyey
qoraalkani waxa uu socon doonaa hadii ilaah nagu sugo
wakhti dheer sababtuna waa Cinwaanka uu Xanbaarsan yahay
oo ah mid wayn una baahan wakhti in lagu bixiyo.
Qodobka kuwaad waxaan kaga hadlaynaa Macnaha ergaya
Duulaan maskaxeed, hadii aan ku fasirno Afka qalaadna
noqonaya "Ideological Invasion" sidoo kale waxaan isku
dayayaa inaan bal wax ka iraahdo xiliyadii uu bilaabmey
iyo sababta uu ku bilaabmey, marxaladaha uu soo marey iyo
dhibaatada uu u gaystey ummadda muslimiinta ah, waxaan
ilaahay ka rajaynayaa inuu nafahansiiyo gaalada iyo
shirqoolada ay wataan, sidoo kale waxaan ilahay ka
rajaynayaa inuu natuso dalkeena iyo dadkeena oo fahan
buuxa ka qaatey dhagarta iyo shirqoolka ku socoda.
Darsiga 1aad.
Waa maxay Duulaan
maskaxeed " Ideological Invasion" ?
Marka
aad maqasho duulaan, waxaa maskaxdada ku soo dhacaya
Dagaal, dagaalkaas oo ay soo qaadey qolo ujeedo leh oo
rabta inay weerartu qolo kale oo ay iska soo horjeedaan,
dagaalkaas la qaadey waxaa suurto gal ah in loo adeegsado
Gantaalo, Madaafiic, Diyaaradaha meel fog wax ka duqeeya,
Taangiyada dagaalka, hadafkuna wuxuu u dhaw yahay in la
qabsado qoladaas weerarka lagu qaadey, waxaa suurto gal ah
in dadkii deegaanka daganaa laga barakiciyo hadii ay
suurto gal tahayna la dajiyo qolo kale.
Goorma ayuu soo baxay
Duulaan maskaxeedku?
Erayga
"Ideological Invasion" Duulaan maskaxeed waxa uu soo baxay
qarnigii labaatanaad, macnaha cadowga islaamku waxa uu
badalay kaartadii hore ee uu dadka muslimka ah kula
darirayey taas oo ay ku le'deen "ku dhamaadeen" Ciidamadii
Caskariga ahaa ee uu watey, waxa uuna ku badley inuu dadka
inta uusan dhulkooda la wareegin uu adeegsado wax yaalo u
sahlaya inay dadkaasi ogolaadaan in si hawl yar uu cadogu
u soo dhex dagi karo, ayna ugu noqoto sahan u fududaynaya
inuu ka helo dadkaas Hadafkii uu lahaa oo ah Isticmaar ama
Gumaysi.
Qalabka uu adeegsado
Gumaysigu:
Hadii
uu yahay Duulaanka Caskariga ahi, mid adeegsada hubka iyo
taangiyada noocyadoda kala duwan, duulaan maskaxeedku
waxa uu adeegsadaa, Hadalka, Fikradaha, Maxaa yeeley
hadalku waa u ka khatarsan yahay dagaalka Caskariga ah,
sabtuna waa Maskaxdii iyo Mabaa'diidii dadka oo Si hawl
yar loo badalo looguna shubto waxa uu rabo Gumaystuhu.
Hadaba Goorma ayuu
bilaabmey dagaalka iyo weerarka Hadalku?
Dagaalka
Hadalku, waxa uu bilaabmey xiligii rasuulkeenu SCW, taas
oo ay gaaladii markaa joogtey ugu tala galeen inay dadka
rasuulka ka soo horjeediyaan iyaga oo adeegsanaya hadalo,
wax yaalaha ay rasuulka ku odhan jireen waxaa ka mid ah "
Quraanku ma waxyi ilaah soo dajiyaa? Mise rasuulka ayaa
keensadey? Ujeedaduna waxa ay ahayd in dadka qaar
shakiyaan oo hadalku bato kadibna inta ay duufsan karaan
duufsadaan.
Xaligii rasulku SCW, uu u soo wareegey madiina, yahuudii
reer madiina waxa ay rasuuka ku waajaheen duulaan hadalkii,
wax yaalihii ay rasuulka waydiiyeen waxaa ka mid ahaa "
Rabigaa noo sifee" Ma dahab baa? mise waa Fiddo? ,
xiligaas waxaa ka soo muuqdey magaalada madiina nifaaqii,
wax yaalaha ay samayn jireen waxaa ka mid ah yuhuudu intey
meelo u gaara ku kulmaan inay yiraahdaan Muxamed markaan
la kulano ma rumaynaa kitaabka qaar qaarna ma ka diidnaa?
Quraanka wax ma ka dhagaysanaa, Galabtii markii ay
noqotana ma ka gaalownaa? Dhamaan hadaladaas waxa ay
ahaayeen kuwo loogu tala galay in lagu weeraro rasuulka
ilaahay iyo waxyiga samawiga ah ee ilaahay umadda u soo
dajiyey.
Dagaal
hadalkii intaas kuma joogsan in badan buu socdey waxaa la
soo gaadhey xiligii khulfaa'ul raashdiin waxaana saaxada
ka soo dhex baxay nin taariikhdu aad wax uga qortey oo
loogu magac darey " Cabdullahi Binu Saba".
Waa kuma Cabdullahi binu
Saba?
Cabdullahi binu Saba, waxa uu ahaa yuhuudii reer yaman,
waxa uuna xanbaarey arin isaga agtiisa la waynayd, waxa uu
maskaxda ku shubtey inuu diinta ilaahay la dagaalamo,
awood ma laha laakiin waxa uu ku tashadey inuu adeegsada
Ideological Invasion, waxa uu guda galey inuu dabagal ku
sameeyo dhibka dabiiciga ah ee ka dhex dhaca muslimka
dhexdiisa, khaasatan isagu waxa uu arintiisa ku saleeyey
khilaafkii dhacay xaligii Shahiid Cuthmaan Binu Cafaan
ilaahay haka raalinoqdee, waxa uu ka faa'iidaystey
khilaafkaas inuu sameeyo kooxdii ugu khatarsanayd ee
dagaal ka foolkafool ah la gasha Muslimiinta, isaga oo
adeegsanaya inuu dadka Jecel Aalu baydka uu marin
habaabiyo isaga oo iska dhigaya nin Jecel ama raba Aalu
baydka nabaigeena Sida Imaamu Cali iyo Labadiisii wiil".
Waxa
uu sameeyey Cabdullahi Binu Saba hadalo iyo afkaar been
abuur ah oo uu u Nisbeeyey Imam Cali, waxa uu uruursadey
koox ka mid ah yuhuudii reer yaman waxayna la baxeen
magacan aan maqalno hadeer ee la yirahdo " Shiico" Macnaha
shiico ay u jeedaan markaas waxa uu ahaa u hiiliyaashii
Imaam Cali.
Arintii way sii waynaatey dadkii ayuu qayb ka mid ah isku
duba ritey heer waxa uu gaadhey uu quraanka badalo
macnihiisa una sameeyo macno been abuur ah oo uu u
adeegsanayo siyaasadiisa ku wajahan Ideological Invasion.
Falkii
ninkaas yuhuudiga ah ku kacay waxa ay dhashey iney soo
baxaan labo koox oo khatar badan kuwaas oo islaamka
lagaley dagaal, firqadii ugu horaysey waxay ahayd firqada
la yiraahdo "Baadinyah" waxaa ku xigtey koox kale oo
iyadana loogu magac darey "Qaraamida" Xiligaas waxaas oo
dhan dhacayaan Yuhuud oo qudha islaamka Col lama ahayn ee
waxaa jirtey qoladan kale ee saaxiibada ay yuhuuda ku
yihiin islaam baab'binta " waa kuwee kuwaasi? waa
Nasaarada.
Waxaana ka mid ahaa raga dagaal Hadalka soo galey Nin ka
mid ahaa Kaniisada Qibdiyiinta laguna magacaabo " Yaxunna
Al dimishiqiyi". Ninkani waxa uu Islaamka lagalay dagaal
adag waxa uuna ku odhan jirey dadkiisa waa nasaaradee
Muslimka waxaad waydiisaan: Miyaadan rumaysnayn inuu yahay
Ciise hadalkii ilaahay ee uu maryama ku tuurey"? Markuu
yiraahdo Muslimku haa; waxaad tidhaahdaa: MUslimku
miyuusan rumaysnayn inuu quraanku hadalkii ilaahay yahay?
Markuu yiraahdo haa; waxaad tirahdaa waxaad rumaysantihiin
ciise inuu yahay hadalkii ilaahay, mana odhanaysaan ciise
waa ilaah, waxaadse leedihiin ciise waa basher waa
makhluuq waana hadalkii ilaahay, markaa hadalka ilaahay
waa makhluuq' Yacnii quraankuna waa makhluuq' Ninkaasi
isaguna fitantas iyo kuwa la mid ah ayuu hurin jirey oo
ka shaqayn jirey si uu isaga horkeeno dadka muslimka ah
dhexdoodana uu u dhigo dagaal iyo fitan.
Hadaba akhristow si aadan u caajisin qoraalkuna kuugu
dheeraan waxaan jeclahay inay taxane inoo noqoto
casharadan ku saabsan iftiminta iyo dabool ka qaadida
dagaalka lagula jiro dadka muslimka ah.
"Mustafa Akhyaar "