(Minneapolis,
January 01, 2010 Ceegaag Online)
Waxaa
Muslimiinta Soomaaliyeed ee ku nool Magaalooyinka Mataanaha
ee St. Paul iyo Minneapolis la ogeysiinayaa in Masaajidka
Darul-Quba lagu qaban doono Muxaadaro aad u qiima badan.
Muxaadaradani waxay ka hadli doontaa dhibaatada ay Wadaado
la moodku (Khawaarij) ku hayaan wadankeenii. Waxaa dib loogu
noqonayaa waxa ay Shareecada Islaamku ka qabto in
Muslimiinta la gaaleysiiyo, la dilo, la dhaco, Qabuurahooda
la faago iyadoo hadana diin lagusoo gabanayo.
Waxaa
kaloo Muxaadaradu ku saabsan tahay saadaashii uu
Suubanuhu(sallahu caleyhi wassalam) ka bixiyey Wadaad
xumayaasha (Khawaarij) soo bixi doona Zamin aakhirka,
Astaamahooda, halka ay ka soo bixi doonaan iyo halka ay
aakhirka ku danbeyn doonaan.
Fadlan
ka soo qayb gala Muxaadaran oo uu noo soo jeedin doono
Caalimka weyn ee Shariif Maxamuud Shariif Ali (xafiduhullaah)
si aad u ogaataan halka ay dhibtu naga raacday iyo sidii
looga badbaadi lahaa. Waxay Muxaadaradani dhici doontaa
Maalinta Sabtida ah Salaada Makhribka ka dib, waxayna ka
dhici doontaa:
Masaajidka Darul-Quba: 1511 4th Street Minneapolis, MN 55454
Sabti,
Janaayo 2, 2010 (01/02/2010) marka ay Saacadu tahay 4:30 pm.
Wixii
faahfaahin ah, fadlan soo wac Masaajidka ama Macallin C/Qaadir
tel: 612-245-5682.
Dul-Khuwaisri revisited: Khawarij of Past & Present and
Sherif
Mohamud Sherif Ali (May Allah reward and bless him) will
deliver a lecture giving an insight into the Aqeedah and
Methodology of the Khawarij and their deviance and
characteristics.
Please
come and join us with your families and friends for a
Muhadaro at
Masjid
Darul-Quba on Saturday January 2nd 2010, after Maqrib Salat
(4:30pm).
The Holy
Prophet (salalahu aleihi wassalam) said to the Grandfather
of today’s Khawarij: “…..Woe be upon you, who would
do justice if I do not do justice, and you would be very
unfortunate and a loser if I do not do justice”. Sahih
Muslim
For
further information, please call the Masjid or Ustaz
Abdulqadir at 612-245-5682.
xiishyare@hotmail.com
ama lamahuraankii@yahoo.com
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |