Qardho oo si wayn looga Xusay
Maalinta Saxaafadda Soomaaliyeed 21ka-Janaayo(Sawiro).
(Qardho,
January 21, 2010 Ceegaag Online)
Munaasabad si
heer sare ah loo Agaasimay oo lagu xusayay Maalinta
Saxaafadda Soomaaliyeed ee ku beegan 21ka-Janaayo-2010 ayaa
Maanta lagu Qabtay Hoolka shirarka D/Hoose Degmadda Qardho
ee Xarunta Gobolka Karkaar,Munaasabada ayaa waxaa soo
Agaasimay Wariyayaasha Gobolka Karkaar.
Munaasabaddaani ayaa waxaa ka soo qeybgalay Gudoomiyaha
Gobolka Karkaar C/quraan Maxamed Aadan, Gudoomiyaha
Maxkamadda Sare ee Qardho,Masuulyiin ka tirsan Wasaaradaha
Caafimaadka iyo Arimaha Haweenka,Taliya Nabad sugidda
Gobolka Karkaar,Taliyaha Ciidamada Baliiska Gobolka, Ururada
Dhalinyarada ,Haweenka,Culuma'udiin iyo Nabadoono.
Ugu horeyntii Munaasabadaani ayaa waxaa Furay C/wali xasan
Gooni oo ka tiran Golaha Sare ee Ururka MAP isagoo ka Hadlay
Tacadiyadi loo gaystay Suxufiyiinta Soomaaliyeed Sanadkii
tegay ee 2009,Gooni ayaa xusay in Sanadkaan ay Somalia Bar
madow ka gashay Xaga Warbaahinta Caalamiga ah.
C/weli Gooni ayaa ku dheeraaday Dhibaatadda ay suxufiyiinta
Puntland kala kulmaan Xukuumadda Puntland balse wuxuu hadda
rajo wanaagsan ka muujiyay inuu Wanaagsanaan Doono xiriirka
Saxaafadda iyo Xukuumadda Puntland maadaama Hadda wasiir
cusub loo soo Magacaabay Wasaaradda Warfaafinta.
"wax uu sheegay in Suxufiyiinta Puntland ay ku kalsoonyihiin
in maanta wax badani iska baddaleen meeqaamka, awoodda iyo
aqoonta xirfadda saxafiyiinta iyo warbaahinta Puntland.
Sidoo kale waxaa meel wanaagsan soo gadhay xidhiidhka
saxafadda iyo hay’adaha dawladda gaar ahaan Wasaaradda
Warfaafinta".
Gudoomiyaha Gobolka Karkaar C/quraan Maxamed ayaa sidoo kale
lagu soo dhaweeyay Makroofanka,C/quraan wuxuu xusay Ahmiyada
Saxaafadu u leedahay Maamuladda iyo sida loogu baahanyahay
inay Saxaafadu u raacaan Sharciga,C/quraan Gudoomiyaha
Gobolka ayaa sheegay in uu u haysto in Saxaafadu tahay Seef
labo afleh balse buu yiri waxaa loo baahanyahay inay Dhanka
Wanaagsan wax u jarto Seeftaasi.
Weriye C/rashiid Maxamed Daahir(Lacle) oo Dhawaan ka soo
laabtay Safar uu ku tagay Magaaladda Jabuuti ayaa halkaasi
ka akhriyay Bayaan ka kooban 11 qodob oo loo Gudbinayay
Xukuumadda Puntland,Hay'adaha Maxaliga ah iyo Cid kasta oo
ay khusayso Arrintaasi.
Taliyaha Nabadsugida Gobolka Karkaar Muxiyadiin Waaberi ayaa
isna Xaflada ka hadlay wuxuuna hoosta ka xariiqay in Nabadu
ay shay qaali ah u tahay Saxaafadda iyo Maamulka inkastoo
aanu Taliyuhu si toos ah u sharixin Tacadiga Wariyayaasha
Puntland kaga Yimaada Laamaha amaanka iyo Ilaaladda
Masuuliyiinta Puntland.
Gabagabadi Xaflada ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Puntland Cabdinuur Hantiile
isagoo sheegay inay Maamulka ka fiirsadaan Habka loo xirayo
Saxafi Madaxbanaan oo hawshiisa Gudanaya"Cadaalad iyo Sharci
waa in ninka wariyaha ah lagu soo qabtaa,Marka la doonayo in
la geeyo Maxkamad iyo Saldhig intaba".
Xafladan aadka u balaaran ayaa ku soo gabagabowday sidii
loogu talo galay, iyadoo ay ahayd Sanadguuradi ugu horaysay
ee Wariyayaasha Gobolka puntland soo Qabanqaabiyaan taasi oo
lagu qabto Magaalooyinka Waa weyn ee Puntland.
Dhibaatadda
Saxaafadda Soomaaliya:-
Sannadkani waxaa uu u ahaa saxaafadda Soomaaliyeed mid adag
oo murugo iyo xusuus aan wanaagsanayn ku waddacay
warfidiyeenka iyo bahda warbaahinta Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa
sannad aan ku xasuusan doonno dhimasho, dhawacyo, barakac,
xarig, handadaad iyo cabburin halkii ugu sarraysay gaadhay
oo warbaahinta ka dhan ah.
Wuxuu ahaa sannad maalintii u horraysay dhalashadiisa loogu
wanqalay dhiigga wariye Somaaliyeed, Xasan Mayow Xasan oo la
dilay 1dii Jannaayo 2009 kana hawl gali jiray degmada
Afgooye .
Wuxuu ahaa sannad ku gabagaboobay dhacdo naxdin leh oo
wariyaal dhawra naftooda galaafatay kuwo kalena dhaawacyo
kaga tegay, Waa qaraxii ka dhacay Hotel Shaamow ee magaalada
Muqdisho oo saddex weriye ku dhinteen shan kalena ku
dhaawacmeen 3dii December 2009 halkaas oo xafad qalin jabin
loogu smaynayay arday jaamacadeed. Wuxuu ahaa sannad
Soomaaliya ay diiwaanka ku gashay in ay tahay halka ugu
halista badan ee warfidiyeen ka hawlgalaan, wuxuu ahaa
sannadkii Soomaaliya ka dhigay waddanka dunida oo dhan
wariyaashii ugu badnaa ay naftooda ku waayeen .
Ilaahay waxaan rajaynaynnaa in sannadkani noqdo mid kaa hore
nooga wanaagsan, saxafadduna ay nabad iyo cabsilaan
waajibaadkeeda ku gudato.
Puntland markaan si gaara u milicsanno sannadkani wuxuu ahaa
midkii ugu adkaa ee taariikhda warbaahinta Puntland soo mara
oo xadgudubyo saxaafadda lid ku ah ay ka dhaceen. Waxaa
dhacay xadgudubyo Puntladn ku cusbaa oo ceebna ku ahaa
sumcadda Puntland ku lahayd dhanka warbaahinta iyo
xaqdhawrkeeda. Waxaa markii ugu horraysay si badheedh ah
ciidanka ammaanku toogadho ay sameeyeen loogu dhaawacay
saxafi ka tirsan warbaahinta Puntland bishii November 2009.
Waxaa dhacay muddadaas xarigyo qaatay inta u dhaxaysa saddex
saacadood ilaa bil. Dhacdooyinka kale ee khalkhalka iyo
walaaca xagga ammaanka ah abuuray waxaa ka mid ahaa
weerarradii bambooyinka la adeegsaday ee lagu beegsaday
saddex idaacadood oo ku yaal magaalada Gaalkacyo, weerarkaas
oo saddex weriye dhaawacyo fududi kasoo gadheen.
Maalinta Saxaafadda Soomaliyeed waxaan ku xusaynnaa uguna
murugoonaynna sagaal weriyaal Soomaaliyeed oo sannad keliya
(2009) Soomaaliya kaga dhintay, kuwaas oo iyagoo
waajibaadkii shaqadooda ku jira ku dhintay ama si gaara loo
bartilmaameed saday. Dhagartaas oo ay ka dambeeyaan cadowga
xorriyadda warbaahinta, taasi oo maanta Soomaaliya u rogtay
barta qaaradda Africa ugu halista badan ee saxafi ka
hawlgalo.
Weriyayashaa isla sannadkaa dhaawacmay waxay ahaayeen 12,
halka saxafiyiinta xarigga aan sharciga loo marin la kulmay
ay ahaayeen 15 weriye. Waxaa intaa dheeraa in kabadan 100
weriye ayaa lasoo gaarsiiyay farriimo cabsigelin ah oo
qaarkood loogu gooddiyay in la dilidoono. Waxaa taa
weheliyay duqayn loo gaystay xarumo warbaahineed oo ku yaal
Muqdisho oo ay hawlwadeenno warbaahineed ku dhaawacmeen.
Dadka sannadkii ina dhaafay geriyooday waxaa ku jiray madax
warbaahineed, sida Saciid Tahliil Agaasimihii Idaacadda iyo
Taleefishanka Horn Afrik ee magaalada Muqdisho iyo Mukhtaar
Maxamed Hiraabe, agaasimihii Radio Shabeelle ee magaalada
Muqdisho. Sagaalka weriye ee sannadkii tegay dhimatay
toddoba ka mid ah waxaa lagu dilay muqdisho.
Laba iyo tobankii bilood ee ina dhaafay waxay ku suntan
yihiin muddadii ugu madoobayd uguna dhimashada badnayd
tariikhda warbaahinta Soomaaliyeed. Waxay bilahaasi ka
dhigeen shaqada iyo nolosha wariyayaasha mid qiimo iyo
waxtar beeshay maadaama aan weerarradaasi suxufiyiinta
gaadhay ay weli sii socdaan oo aan la xakamayn. In badan oo
ka mid ah dhagar qabayaasha dilalkaas geystay waa kuwo la
yaqaan, waxaase murugo ah in dhibbanayaashu aanay weli
caddaalad helin.
Abdirashid Mohamed Daahir
lacle1004@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |