shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Guddoomiye ku-xigeenkii 1aad ee Golaha Guurtidda Maamulka Somaliland Sh. Axmed Sh. Nuux oo is-casilay

(Hargaysa,  January  30,  2010 Ceegaag Online)

Wararka maanta Ceegaag Online ka soo gaadhaya Magaalada Hargaysa ee xarunta Maamulka Somaliland   ayaa ku soo waramaya in Gudoomiye kuxigeenkii koowaad ee galaha guurtida Somaliland uu maanta Is-casilay,

Sh. Axmed Sh. Nuux (fure) ayaa maanta Qoraalka iscasilaadiisa waxaa uu dhiibay gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan Gaal) waxaana Qoraalkiisa uu maanta ku sheegay inuu iska Casilay Xilkii Gudoomiyey kuxigeenka golaha guurtida Somaliland oo xilkaasi uu in badan uu masuul ka ahaa.
 
Iscasilaada Sh. Axmed Sh. Nuux (fure) ayaa maanta waxaa markii uu dhiibay Qoraalka istiqaaladiisa waxaa fadhiyey xarunta golaha wakiilada Somaliland dhamaan mudanayaasha golaha wakiilada waxaana socday fadhigoodii caadiga ahaa maanta oo kaha hadlayeen khifaal soo kala dhexgalay xubnaha golaha guurtida Somaliland, khilaafkaasi oo Mudooyinkii ugu danbeeyey gaadhay halkii ugu saraysay.
 
Wararka Ceegaag online magalada Hargaysa ka helayso ayaa sheegay in maalinta barito ah uu fadhi ka yeelano xubnaha golaha guuritda Somaliland Iscasilaada Gudoomiyey kuxigeenka koowaad ee golaha guurtida Somaliland xubnaha golaha guuriduna maalinta barito ah Cod u Qaadi doonaa Iscasilaadiisa.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com