shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha ganacstada SSC oo aanu ka waraysanay dilkii Xildhibaanka, sheegayna in gacanta lagu hayo kooxdii dishay

(Boosaaso,  January  20,  2010 Ceegaag Online)

Hadalka Gudoomiyaha Saleebaan faarax maxamed(shanfool) Dhagayso

Kadib markii habeenimadii xalayto magaalada Boosaaso kooxo hubaysani ay toogasho ku dileen Xildhibaan katirsan baarlamaanka dawlada puntland oo ka soo jeeday deegaanka buuhoodle ayaa maanta magaaladaasi waxa ka dhacay aas siwayn looga soo qayb galay oo ay goob joog ahaayeen Qaarkamid ah Isimada SSC gaar ahaan Garaad jamac garaad cali iyo garaad cabdilaahi garaad soofe masuuliyiin katirasan dawlada puntland iyo shicib aad u farabadan oo aaska maanta ka Qayb galay.
 
Habada aaskaasi maanta iyo qaabkii loo dilay xildhibaan maxamed Cabdi jibriil ayaa goor dhawayto waxa ceegaag online uga waramaya gudoomiyaha ganacsatada SSC Saleebaan faarax maxamed(shanfool). sidoo kale gudoomiyaha ayaa u sheegay ceegaag online in gacanta lagu hayo ninkii dilay marxuun maxamed cabdi jibriil ayna gacanta ku soo dhigeen inaadeerkii oo markii la dilay ka daba orday kadiba gacanta ku soo dhigay ninkii toogtay marxuunka waxa ku soo gaadhay Ciidamada amaanka magaalada boosaaso.
 
 
Hadaba dhagaystayaal iyo akhristayaasha Ceegaag Online ku soo dhawaayada Waraysigaasi oo dhamaystiran kor ku noqoo dhagayso.
 
 
Cali dhagjar
ceegaag online
Buuhoodle
EMAIL Calidhagjar@hotmail.com
 
www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com