Shir uga socda Puntland iyo
Galmudug Magaalada Gaalkacyo.
(Gaalkacyo,
January 24, 2010 Ceegaag Online)
Magaaladda
Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa shir laba
geesood ah uga Socdaa Maamuladda Puntland iyo Galmudug si
loo soo afjaro Mashaqadi halkaasi ka taagnayd Bilihi ugu
Dambeeyay,Shirka waxaa Puntland uga Qaybgalaya Gudoomiyaha
Gobolka Mudug ee Dhinaca Waqooyi Axmed cali
salaad,Gudoomiyaha Waqooyiga Gaalkacyo C/raxmaan iyo
Xildhibaano,Dhinaca Galmudug waxaa Shirka uga Qaybgalay
Madaxweyne Caalin,Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Dowladda KMG
ah Cabdiqaybdiid iyo Xildhibaano ka soo jeeda Beesha Sacad
oo ku jira DKMG ah ee Soomaaliya.
Shirka ayaa Maalintii Saddexaad ka socda Garoonka
Diyaaradaha ee Magaaladda Gaalkacyo waxaana lagu soo
bandhigayaa Khaladaadyo ay kala tirsanayaan Labadda Dhinac
kaasi oo u dhexeeya Labadda Beelood ee Waqooyiga iyo
Koonfurta,Shirka waxaa soo abaabulay Cabdiqaybdiid oo isagu
ah Ruugcadaa siyaasadeed oo Matalaya Beesha Koonfurta
Gaalkacyo iyadoona ay aqbaleen Dhinaca Maamulka Puntland.
Labadi Maalmood ee Shirku ka socday Garoonka Diyaaradaha ee
Gaalkacyo waxaa Labadda Dhinac soo bandhigeen Qodobo ay u
arkayeen inay waxtar u yihiin Dhayida Boogta taal
Gaalkacyo,Masuuliyiinta Galmudug iyo Jaaliyadda Dibadda ayaa
ka garaabay Khaladaadki ka dhacay Beesha Koonfurta Gaalkacyo
ee Gudaha.
Khilaafka Gaalkacyo:-
Sanadkii 1993 ayaa waxaa Heshiis aan cagobadan ku
taagnayn ku saxiixday Magaaladda Gaalkacyo C/laahi Yuusuf
Axmed oo Matalayay Waqooyiga iyo Maxamed Faarax Caydiid oo
Matalayay Koonfurta,Heshiiskaasi wuxuu waxbadan ka taray in
Magaaladda Nabad lagu deganaado hase ahaate Sanadihi ugu
Dambeeyay ayaa waxaa soo ifbaxayay Khilaafki la xaliyay,27-
November-2009 ee Sanadki tagay ayay ahayd Markii Dagaal lagu
hoobtay uu Gaalkacyo ku dhexmaray Labadda Dhinac,Waxaa
Dagaalkaasi ku dhintay 14 qof,51qofna way ku
dhaawacmeen,Dagaalkaasi ayaa yimid ka gadaal Markii D/hoose
ee Gaalkacyo Burburisay Suuq si sharci daro ah loo dhisay.
Dhacdadi Xigtay ayaa Dhacday 3-Bishii December-2009 waxayna
Galaafatay Nolosha 20 qof halka ay ku dhaawacmeen 70 qof,ka
dib Dhacdadaasi waxaa Qaylodhaan soo diray Masuuliyiin ka
soo jeeda Koonfurta oo uu ka mid yahay Cabdiqaybdiid iyo
Xuseen Caydiid oo aabihiis Saxiixay Heshiiska hadda
Gaalkacyo lagu wada deganyahay.
Cabdi xasan Cawaale(Qaybdiid) ayaa Khadka Tellka kula soo
xiriiray Madaxweynaha Puntland Faroole 27-Dec-2009 waxaana
Faroole ka aqbalay in Dhinaca Puntland wada hadal
Ogolyihiin,Shirkaasina waa kan Maanta hirgalay oo hadda ka
soconaya Magaaladda Gaalkacyo.
Gaalkacyo waxay ku taala Bartamaha Soomaaliya waxayna Xudun
u tahay Dhibaatadda ka soo foofta Koonfurta iyo Goboladda
Bartamaha soomaaliya halkaasi oo ay ka jirto Siyaasad ku
dhisan Dagaal,Isqabqabsi iyo Qabiil,Magaaladda Gaalkacyo way
xasiloonayd 17sano ee ugu Dambeeyay waxaana haatan ka dhisan
Dhismayaal aad quruxbadan oo aan dareemin Burburka Muqdisho
iyo Goboladda Kale ee Koonfurta.
Si kastaba ha ahaate Waxaa la dhawrayaa in Nabad lagu wada
noolaado Magaaladda Gaalkcayo haddi heshiiskaan hir galo.
Abdirashid Mohamed
Dahir
webmaster@ceegaag.com |