Talada Gudiga SSC ee Gobolka
Minnesota iyo shirka Holhol.
(Minneapolis,
January 24, 2010 Ceegaag Online)
Tan iyo maalintii la qabsaday caasimaddii reer SSC waxaa
shirar badani ka dheceen daafaha adduunka kuwaas oo
badankoodii aanay suurtoobin in laga gaadho ujeedooyinkii laga
lahaa oo ahayd Midaynta Shacabweynaha, xoraynta dhulka iyo
xal u helida kala daadsanaanta shacabka deegaanka SSC.
waxaa in badan laysweydiiyey meesha arintu ka dhaqaaqi
ladahay. Waxaan haddaba arimahaas u kala qaadayaa saddex qaybood
oo kala ah:
1-Arimo siyaasadeed,
2-Arimo dhaqaale iyo horumar,
3-Arimo hogaan iyo midnimo.
Waxay arrimahaasi keeneen foolxumada maanta muuqanaysa oo
ah kala qaybsanaan iyo tafaraaruq dhanwalba ah oo aanay
maanta jirin wax wadatashi ama wada hawlgal ah oo arrimahaas
ku saabsan.
Sida aynu wada ognahay haddii mashaqo dhacdo waa lays
eedeeyaa qofba qof ama qolaba qolo ayey eedaas ku
riixdaa,innaguna sidaas oo kale ayaynu waxaynu ku jirey in
mudo ah isku eedaynta arimahan iyo cidii masuulkeeda
lahaydba, oo aynaan cidna dhaafin Siyaasiyiin , Issimo,
Qabiilooyin, Maamulo iyo deegaanoba.
Su,aasha haddaba ubaahan in laysweydiiyo waxaa weeye maxaa
keenay inlayna qabsado dabadeedna sidaas laysu eedeeyo? Maxaa
khaldamay shacabku waa shacabkiiye? Mala sixi karaa wixii
khaldamay? ama Sidee baa sidan looga bixi karaa? Haddaba waxaa isku
khaldamay oo la garanwaayey qofwalba masuuliydiisii iyo
hawshii saarnayd, Odayaashii dhaqanku waxay galeen siyaasad
aanay isku aragti ka ahayn, waxay la kala safteen
siyaasiyiintii maamulada ka tartamayey. siyaasiyiintii
waxay tartan u aadeen deegaano ay marti ka noqdeen aakhirkii,
saraakiishii waxna waa hawlgabeen waxna xirfadoodii milateri
bay meelaha maamuladu ka jiraan ugu shaqo tageen,
shacabkiina waxaa ku dhacay jaah wareer meel ay joogaanba
dibad iyo gudaba.
Haddaba shirka maanta Holhol ka dhacaya oo aanu ku rajo
wenahay inuu noqdo kii ugu horeeyey ee xal waaro iyo midnimo
u horseeda reer SSC ayaanu talagelyo ahaan ugu soo
gudbinaynaa Isimada SSC, Siyaasiyiinta , Saraakiisha
Ciidamada iyo dhamaan shacabweynaha walaalaha ah ee la
dulmiyey lagana faaiidaystey tafaraaruqooda dhanwalba
saameeyey sida:
1-Issimada SSC waxaad in muddo ah ku jirteen siyaasad aan
ahayn hawshii laydiinku caana shubay, oo ahayd gunaanad arin
laysla gartay, ku duceyn , xalinta khilaafaadka shacabkiina
iyo kan deriska la ah, Cadaalad iyo nabad katalin iyo
midnimo taas dib ugu noqda.
2-Waxaa isimka ka reeban eexda, ababulka dagaalka,
isqabqabsiga, shaxaadka iyo baryada iyo tartanka kursi
siyaasadeed. Haddaba ka baxa siyaasada iyo arrimaha la
xiriira.
3- Wuxuu isimku la shiraa ama la xaaja qaataa issimadda kale
iyo dadka culimada ah, wuxuu metelaa shacab u siman sidoo
kale iyaguna udhega nugul oo waa loo ergoodaa, marka joojiya
lashirka madaxda iyo siyaasiyiinta danaha gaarka ah wata
tartankuna ka dhexeeyo.
4-Issimadda waxaanu idinkula talinaynaa inaad go'aan
midaysan soo saartaan, Dabadeedna inaad ka shaqaysaan
hawlihii aad magaca ,sharafta iyo cisiga ku lahaydeen,
sidaas buu shacabku ku midoobi karaan kuna xoroobi karaan
karaamadoodii iyo sharaftiina ku soo noqon kartaa.
Hadaba, haddii maanta shirkaasi hagaago waxaa soo
dhawaaneysa midnimada nabadgalyada iyo horumarka beelaha SSC.
Waxaana daba socon doona kuwo kale oo waxa shirkaas ka soo
baxa lagu fuliyo. waxaa meesha ka baxaysa is eedayntii oo
nin weliba shaqadiisuu masuul ka noqon.
Ugu Danbayn waxaa maanta isha idinku haya oo idin soo eegaya
shacabweynihii aad metelayseen dibad iyo gudaba iyo
soomaaliweyn oo dhan. Waxaa taariikhda gelaya shirka Holhol
iyo Issimadda SSC go'aamada ay soo saaraan maanta iyo waxay
shacabkooda dulman ugu taliyaan.
Wabillaahi Tawfiiq
Farah Mireh
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |