Taliyihii howl galinta
CIDda ee gobolk sool oo baxsaday iyo gaadiid u socday Holhol
oo maanta la siidaayey
(Laascaanood,
January 23, 2010 Ceegaag Online)
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa maanta
ku soo waramaya in taliyihii howl galinta CIDda gobolka Sool
iyo saraakiil kale oo ka soo jeeda maamulka Somaliland ay
magaaladaasi ka baxsadeen sida ay maanta wararka rasimi ah
oo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen shabakada Ceegaag
Online.
Ma cada sababaha keenay in sarkaal kani iyo saraakiil la
socda magaaladaasi ka baxaan kana goostaan Ciidamada
Somaliland ee ay ku jireen, arintani saraakiisha Somaliland
ee magaalada Laascaanood ka baxsanaya ayaa imaanaysa xili
wararka ka soo baxaya gobolkaasi ay sheegayaa in dilkii
marxuun Cismaan Macalin Faarax lagu tuhmay saraakiil
katirsan Somaliland inay dilkiisa lugwayni ku lahaayeen.
Sidoo kale guud ahaanba amaanka guud ee magaalada
Laascaanood ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey aad looga soo
darinayaa waxna magaalada haatan saaran bandow xiliga
habeenkii ah lagu soo rogay badaowgaasi oo saamayn ku
yeeshay ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa caadiga ahba.
Dhinaca kale ciidamada Somaliland ayaa maanta fasaxay
gaadiid agab iyo waxyaabo kala u siday shirka Holhol oo
xabsiga magaaladaasi lagu hayey maantana la siidaayey sida
Ceegaag Online u xaqii jiyeen qaarkamid ah shacanka
magaaladaasi waxna gaadiidkaasi ay maantaba gaadheen
deegaanka Holhol oo lagu wado inay shirku yeeshaan Isimada
SSC.
Cali dhagjar
Buuhoodle
calidhagjar@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |